Kulmiye Party Founder – President Ahmed Silanyo

Kulmiye Party Founder
President Ahmed Silanyo

Axmed Maxamed Maxamuud oo caan ku ah Siilaanyo waa siyaasi ruug-caddaa ah oo reer Soomaalilaan ah waana madaxweynaha hadda haya talada Jamhuuriyadda Soomaalilaan. Axmed Siilaanyo wuxuu dhashay sannadkii 1936-dii wuxuu ku dhashay magaalada Burco. Wuxuu waxbarashadii hoose iyo tii sare ku soo qaatay magaalooyinka Sheekh iyo Boorama intii u dhaxaysay sannadihii 1946-dii illaa 1957-dii.

Kolkii uu dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare, wuxuu Axmed Siilaanyo u anbabbaxay waddanka Ingiriiska si uu sii wato waxbarashadiisii Jaamacadda. Intii u dhaxaysay 1958-dii illaa 1960-kii, wuxuu shahaado la xidhiidha dhanka waxbarashada ka qaatay jaamacaddii London University. Intii u dhaxaysay 1960-kii illaa 1963-dii wuxuu jaamacadda heerka koowaad iyo heerka labaad ba ka qaatay jaamacadda Manchester ee dalka Britain isagoo bartay cilmiga dhaqaalaha.

Intii u dhaxaysay 1982 illaa 1990, Siilaanyo wuxuu ahaa guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM. Sannadihii 1993 illaa 1997-dii, wuxuu ahaa xubin ka tirsan golaha guurtida Soomaalilaan. Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu xilal wasiirnimo ka soo qabtay dawladdii Cigaal isagoo noqday wasiirkii maaliyadda iyo wasiirkii qorshaynta.

Siilaanyo isaga ayaa aasaasay xisbiga Kulmiye sannadkii 2002-dii. Sannadkii 2003-dii xisbigigiisa Kulmiye wuxuu u tartamay doorashadii madaxweyne isagoo ku guul darraystay doorashadaas kaddib markii lagaga helay 80 cod oo keliya.

Muddadii uu xilka hayay Siilaanyo waxa lagu xasuusan doonaa beddeliddii lacagta giimbaarta uu ka beddelay gobollada bari. Waxa kale oo lagu xasuustaa Siilaanyo qaybintii darajooyinka ciidammada qaranka. Sidoo kale, dawladda Siilaanyo ayaa lagu xasuusan doonaa dib u dhiskii waddanka, mashaaricdii horumarinta iyo maalgashiyo caalami ah.

 

THE BIOGRAPHY OF AHMED MOHAMED MOHAMOUD SILANYO – KULMIYE FOUNDER

 

Ahmed Mohamed Mohamoud better known as Silanyo is a renowned Somaliland politician and the incumbent president of the republic of Somaliland.

Born in 1936, in Burao city, Mr Silanyo started his formal education and studied Sheekh and Amud schools in 1946 and 1957 respectively, where he completed his primary and secondary levels.

Upon graduating, he moved England for further studies. From 1958 to 1960, Mohamoud enrolled in London University and obtained an advanced General Certificate of Education (GCE). He then studied at University of Manchester, where he earned both a Bachelor’s Degree (1960–63) and a Master’s Degree (1960–63) in Economics.

Silanyo is a longtime member of government, having served as the minister of Planning, minister of Commerce and held similar cabinet positions in Siyad Barre’s government. Siilaanyo waa ruug-caddaa muddo dheer ka soo shaqeeyay dawladdii Siyaad Barre isagoo noqday wasiirkii qorshaynta iyo wasiirkii ganacsiga.

In 1982 to 1990, Ahmed Silanyo was the chairman of the Somali National Movement and is termed as the longest serving chairman. Between 1993 to 1997, Mohamoud was a member of the House of Representatives of Somaliland. He also worked as the Somaliland Minister of Finance from 1997 to 1999, in which position he initiated a program of fiscal reform. Between 1999 and 2000, Silanyo served as Somaliland’s Minister of Planning and Coordination, a position from which he resigned in 2001.

 

In 2002, Silanyo established Kulmiye party. In 2003, the party ran for the presidential election but was defeated by a mere of 80 votes and surprisingly the party conceded the defeat.

In 2010, Silanyo was elected as the president of Somaliland after defeating his main rival Kahin in the peaceful presidential elections.

During his tenure, Silanyo is noted for stabilizing Somaliland currency and conveying Somaliland shillings to the nationwide. He is also remembered for distributing ranks to the different sections of armed forces, developing infrastructure of the country, increased water development programs and foreign investments.

 

 

 

 

KULMIYE on Flickr