About The Party

Xisbiga Midnimada Iyo Horumarinta Somaliland
KULMIYE Party

Xisbiga Midnimada iyo Horumarka ee Kulmiye waa xisbi qaran oo ka jira jamhuuriyadda Soomaalilaan. Waa xisbigii lahaa aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka doorashadii 2005-tii. Kulmiye waa xisbi diyaar u ah inuu Soomaalilaan gaadhsiiyo horumar baaxad leh. Xisbiga Kulmiye waa xisbi diyaar u ah midaynta guud ahaan shacabka Soomaalilaan.

Xisbiga oo la aasaasay 2002-dii wuxuu u tartamay doorashadii madaxweyne ee 2003-dii taas oo xisbiga UDUB kaga guulaystay 80 cod oo keliya. Isla markiiba Kulmiye wuxuu aqbalay natiijadii waagaas.

Mar kale, Kulmiye wuxuu u tartamay doorashadii madaxweyne ee 2010-kii. Doorashadaas waxa ku loollamayay saddexda xisbi ee UDUB, Kulmiye iyo UCID. Xisbiga kulmiye wuxuu ku guulaystay doorashadaas isagoo helay 49.6% codadkii la dhiibtay. Axmed Maxamed Maxamuud oo ahaa murrashaxa xisbiga ayaa noqday madaxeynihii Soomaalilaan isagoo ka adkaaday Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.

Kaddib guushii weyneyd ee Kulmiye ka soo hooyay doorashadii madaxweyne ee 2010-kii, waxa guddoomiyaha xisbiga loo doortay Muj. Muuse Biixi. Sannadkii 2015-tii waxa la qabtay shirweynihii xisbiga Kulmiye waxaana la isku raacay in murrashaxa madaxweyne ee doorashooyinka 2017-ka loo doorto Muuse Biixi Cabdi.

ABOUT THE PARTY

The Kulmiye Ruling Party (Peace, Unity and Development Party) is a political party in the republic of Somaliland. It is currently the ruling party, having won the second largest votes in the House of Representatives at the 2005 parliamentary elections. Putting Somaliland development on the peak, the party has been termed as the party of unity, development and investment as it encompasses all the various people of Somaliland.

Founded in 2002, Kulmiye party overtook as the main opposition party to its rival at that time – UDUB. The party ran in 2003 presidential elections but was defeated only by a mere of 80 votes and fortunately the party conceded the defeat.

In 2010, Kulmiye party ran the second presidential election and defeated UDUB Party with 49.6 percent of the vote. Ahmed Mohamed Silanyo who was the leader of Somali National Movement was elected as the president. Silanyo and his running mate Abdirahman Sayli’ were more successful in the 2010 presidential elections, and soundly defeated Kahin.

Kulmiye is the largest party in Somaliland. In 2010, Muse Biihi Abdi was elected as the chairman of the party; in 2015, Mr Behi was elected as the presidential candidate of Kulmiye in the forth coming elections slated to happen in December, 2017.

KULMIYE on Flickr