Spokesperson

Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Mudane, Xasan Maxamed Calixasan-gaa

Xasan Maxamed Cali, waa Afhayeenka xisbiga KULMIYE, waxa uu ku dhashay Magaalada Gar-adag 1956. Waxa uu dugsiyadii hoose/Dhexe ku kala qaatay Degmada Gar-adag iyo Dayaxa. Dugsiga Sare waxa uu ku qaatay Magaalada Burco. 1977 – 1980 waxa uu waxbarashadiisii heer jaamacadeed ku qaatay Jaamacaddii Lafoole, qaybteeda Waxbarashada. 1996-kii waxa uu waxbarasho u tagay Dalka Ingiriiska, gaar ahaan Magaalada Birmingham.

Laga soo bilaabo 1983 illaa 2010, Xasan Maxamed Cali waxa uu muddo badan la shaqaynayey hay’adaha Caalamiga ah, kuwaas oo uu ka gaadhay xilal sare, Sannadihii 2001 – 2010 waxa uu ahaa Madixii ugu sarreeyey ama Agaasimihii guud ee hay’adda VETAID.

Sannadkii 2011, Xasan Maxamed Cali waxa uu gabi ahaanba iskii uga tagay hoggaamintii Xafiiksa Guud ee hay’adda Caalamiga ah ee VETAID, waa uu aasaasay Urur-siyaasadeedkii  RAYS. Waxa uu noqday Guddoomiyihii Urur- siyaasadeedkii RAYS.

Kadib markii Urur-siyaasadeedkii RAYS ku biiray xisbiga KULMIYE, Xasan Maxamed Cali waxa uu ka mid noqday Masuuliyiinta ugu sarreeya Xisbiga KULMIYE, waana Afhayeenka Xisbiga KULMIYE.

Spokesman of KULMIYE Party

Hassan Mohamed Ali is the incumbent spokesman of Kulmiye Party. He was born in Gar-adag in 1956.

For his elementary studies, Mr Hassan attended primary school in Gar-adag. He attended Dayaha intermediate school in Erigavo. After graduation, Mr Ali went Burao to pursue his secondary school.

Upon leaving secondary school (177-1980), he joined Lafoole University particularly the faculty of Education where he earned his Bachelor degree.  In 1996, Mr Gaafaadhi went to Birmingham (England) for further studies.

Mr Hassan had been working with international institutions from 1983 to 2010. From 2001 to 2010, he was the Director General of VET Aid. In 2011, he resigned the job and established RAYS political party and became the chairman of that party. After RAYS joined Kulmiye party, Hassan was appointed as the spokesman of the Kulmiye ruling party.

KULMIYE on Flickr