Party Structure

QAAB DHISMEEDKA GUUD EE XISBIGA.

1. Qaab-dhismeedka Xisbigu waa sidan hoos ku cad:

B. HEER QARAN;

b. Shirweynaha xisbiga oo doorta:

  • Guddoomiyaha Xisbiga;
  • afar Gudoomiy-ku-Xigeen 1aad, Guddoomiye-ku-Xigeenka 2aad, Gudoomiye-ku-xigeenka 3aad iyo Guddoomiye-ku-Xigeenka 4aad;
  • Xoghayaha Guud ee Xisbiga, iyo
  • Xubnaha Golaha Dhexe

t. Golaha Dhexe ee Xisbiga oo:

  • Ansixiya Xubnaha Guddiga Fulinta ee aanu Shirweynuhu dooranin.
  • Ansixiya Xeer-hoosaadka Golaha Dhexe ee Xisbiga.

j. Guddiga Fulinta ee Xisbiga.

T. HEER GOBOLKA:

b. Shirka Xisbiga ee Gobolka oo doorta Xubnaha Golaha Xisbiga ee Gobolka

t. Golaha Xisbiga ee Gobolka oo

  • doorta Guddoomiyaha Xisbiga ee Degmada, Guddoomiy-Ku-Xigeenka Xisbiga ee Degmada, Xoghayaha Xisbiga ee Degmada, iyo xubnaha kale ee Guddida Fulinta Xisbiga ee Degmada
  • ansixiya Xeer-hoosaadkiisa.

J. Guddiga Fulinta Xisbiga ee Degmada.

X. HEER LAAMEED:

b. Shirka Xisbiga ee Laanta oo doorta xubnaha Golaha Xisbiga ee Laanta

t. Golaha Xisbiga ee Laanta oo doorta

  • Guddoomiyaha Xisbiga ee Laanta, Guddoomiy-Ku-Xigeenka Xisbiga ee Laanta, Xoghayaha Xisbiga ee Laanta. Iyo xubnaha kale ee Guddida Fulinta Xisbiga ee laanta.
  • ansixiya Xeer-hoosaadkiisa

j. Guddiga Fulinta Xisbiga ee Laanta.

2. Kala-horraynta hay’adaha Xisbiga ee kor ku tilmaamani waxay muujinaysaa kala sarrayntooda.

3. Guddiyada Fulinta Xisbiga ee heer qaran, heer gobol, heer degmo iyo heer laameed waxay leeyihiin xidhiidh toos ah oo sida ay isu hoos yimaaddaan ah.

KULMIYE on Flickr