Xuska 57 guurada Maalintii Somaliland Xornimadeeda ka Qaadatay Maxmiyadii Ingiriiska 26/Juun/1960

Xuska 57 guurada Maalintii Somaliland Xornimadeeda ka Qaadatay Maxmiyadii Ingiriiska 26/Juun/1960

 

“Waxaynu xorriyadii innaga luntay la soo noqonay 1991-kii, 18 May oo ay ummadda reer Somaliland go’aansatay inay mar labaad xoriyadoodii dawladoodii kale ee Soomaaliya ay kula midoobeen inay la soo noqdaan, taasina waa mid ku timid rabitaan shacab, mid laga noqonaya maanta maaha, cid u fadhidaana aaney jirin.
Qaranimada Somaliland ee aynu la soo noqonay kuma aynu khasaarin, iyagiina (Soomaaliya) waa kuwaa ilaa maanta dhibaatada haysata aynu ognahay, waanaynu uga ducaynaynaa, waa dad muslim ah oo walaalaheen ah, mar walba waxaynu innagu diyaar u nahay in wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya uu socdo innaga oo ujeeddadeenu mar walba tahay inaynu laba dal oo Soomaaliyeed oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya la yidhaa aynu ku heshiino, walaaladeen iyaguna ay danahooda ka tashadaan, innaguna aynu kuweena ka tashano, laakiin walaaladeen waxaad mooday in dad ina qabsaday ay ahaayeen oo dad walaalnimo isugu tagay sideedii oo kale uma dhaqmaan, hadalo laaxin leh ay yidhaahaan oo iyaga oo aan magaaladii caasimadii Muqdisho aan ka talin ay ku hadaaqayaan ilaayo Lawyo-cado ayaanu ka talinaa.” – Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha dalka.

KULMIYE on Flickr