Xisbiga KULMIYE oo Xaflad soo Dhawayn ah ku Qaabilay Guddoomyihii Xisbiga WADDANI ee Degmada Sheekh iyo taageerayaashiisii

Xisbiga KULMIYE oo Xaflad soo Dhawayn ah ku Qaabilay Guddoomyihii Xisbiga WADDANI ee Degmada Sheekh iyo taageerayaashiisii

Sheekh (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Xisbiga KULMIYE, ayaa xaflad soo dhawayn ah ku qaabilay Guddoomiyihii xisbiga WADDANI ee degmada Sheekh iyo taageerayaal badan oo uu hoggaaminayey.

Guddoomiyaha hore, masuuliyiinta iyo haldoorka taageerayaasha ka baxay WADDANI oo khudbado ka jeediyey xafladda soo dhawaynta ah ee KULMIYE ku qaabilay, ayaa dhammaantood isku raacay in sababta ay uga soo digo-rogteen xisbigaasi tahay guuldarro siyaasi ah oo soo food-saartay, kadib markii xisbigu ka koriwaayey qabyaalad iyo siyaasad ku dhisan mala-awaal been ah.


Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil iyo degmada Sheekh iyo weliba Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo isagu ka qaybgalay xafladda, ayaa iyaguna soo dhaweeyey madaxdan iyo taageerayaashooda ku soo biiray oo ay ku tilmaameen hal-bawle kaalin muhiim ah KULMIYE ku soo kordhinaya.

KULMIYE on Flickr