Xisbiga kulmiye oo Xafiisyo ka Furtay Degmada Agabar iyo deegaanno Kale oo Waqooyiga Caasimadda Hargeysa ku Yaalla

Xisbiga kulmiye oo Xafiisyo ka Furtay Degmada Agabar iyo deegaanno Kale oo Waqooyiga Caasimadda Hargeysa ku Yaalla

Agabar(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayso guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee garabka haweenka heer qaran Marwo Dallays shire Faarax, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Agabar oo katirsan gobolka Gabiley iyo deegaannada Annaya iyo Xeedho oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftigan oo ay sidoo kale xubno ka yihiin masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan degmada Agabar iyo deegaannada kale ee gobolka Maroodi-jeex katirsan, ayaa waxa halkaas si ballaadhan ugu soo dhaweeyey waxgaradka, cuqaasha, haldoorka iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye halkaas ku leeyahay, waxana ay xadhigga ka jareen xafiisyo cusub oo uu xisbigu deeggaannadan ku yeelan doono.

Degmada Agabar oo kamid ah goobaha hodanka ku ah dhinaca wax soo saarka beeraha, ayey marwo Dallays Shire ka furtay saddex xafiis oo uu xisbiga KULMIYE ku maamuli doono arrimihiisa ololaha, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay dadka deegaanka oo taageero laxaad leh xisbiga u muujiyey, isla markaana lagu guubaabiyey sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen ololaha doorashada madaxtooyada oo Toddobaadka soo socda dalka ka bilaabmi doona.

Waxgaradka, cuqaasha iyo haldoorka degmada Agabar oo halkaas ka hadlay, ayaa weftiga ay hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee garabka haweenka heer qaran ee KULMIYE uga mahadcelisay booqashadooda iyo sida ay xilka isaga saareen inay shacabka halkaas ku dhaqan ugu guubaabiyaan ka qaybqaadashada ololaha doorashada dalka kusoo foolka leh, waxana ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay codkooda iyo cududoodaba la garab galaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Dallays Shire Faarax oo halkaas ka hadashay, ayaa si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqay taageerayaasha KULMIYE ee ku dhaqan degmada Agabar, waxana ay ku dhiirrigelisay inay sii xoojiyaan taageerada ay KULMIYE u hayaan, isla markaana ay korodhsadaan xogo ku saabsan hannaanka loo codaynayo.

Goobaha kale ee ay weftiga sida weyn loogu soo dhaweeyey waxa kamid ah deegaanka Annaya oo katirsan degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi-jeex, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE, iyada oo halkaasna xadhigga lagaga jaray xafiis cusub oo uu xisbiga KULMIYE deegaankaas ku yeelan doono.

Deegaanka Xeedho oo duleedka Waqooyi kaga beegan caasimadda Hargeysa, ayaa iyaduna taageerayaal si weyn isu abaabulay usoo dhaweeyeen weftiga ay hoggaaminayso marwo Dallays Shire Faarax, iyada oo dhallinyaro da’yari ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ku maaweeliyeen taageerayaashii soo dhaweynayey weftiga KULMIYE.

KULMIYE on Flickr