Xisbiga KULMIYE oo Xafiisyo ka Furtay Deegaamo badan oo Hoostaga Degmada Laasgeel

Xisbiga KULMIYE oo Xafiisyo ka Furtay Deegaamo badan oo Hoostaga Degmada Laasgeel

Hargeysa (Warbaahinta xisbiga KULMIYE)- Xisbiga KULMIYE, ayaa xafiisyo fara badan ka furtay deegaamada hoos taga degmada Laasgeel ee Gobolka Maroodi-jeex.

Masuuliyiin iyo siyaasiyiin ay horkacayeen Wasiirka Ganacsiga Somaliland Md. Cumar Shucayb Maxamed, Wasiir-ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi iyo xildhibaanno ka tirsan golayaasha degaanka Hargeysa iyo Berbera, ayaa xadhigga ka jaray xafiisyo kala duwan oo ku kala yaal magaalooyinka iyo tuulooyinka kala ah; Darar-weyne, Xumbo-weyne, Jaleelo, Boocley, Alaalacadka iyo deegaamo kale oo dhammaantood hoos taga degmada Laasgeel.


Madaxda iyo saraakiisha ka socday KULMIYE ayaa dadweynaha ku dhaqan deegaamadaasi si diirran ugu soo dhaweeyeen, waxaanay ku wargeliyeen inay taageero buuxda u hayaan xisbiga iyo doorashada murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeen – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

KULMIYE on Flickr