Xisbiga KULMIYE oo Xafiis Ballaadhan ka Furtay Xaafada Sheekh Nuur ee Caasimadda Hargeysa

Xisbiga KULMIYE oo Xafiis Ballaadhan ka Furtay Xaafada Sheekh Nuur ee Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madaxda Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE, ayaa xadhigga ka jaray xafiis ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ku yeeshay xaafadda Sheekh Nuur ee Degmada Gacanlibaax ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta xukuumada oo uu horkacayey Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame Jaamac oo ay ay wehelinayeen xubno ka mid ah madaxda Garabka Haweenka xisbiga oo ay hoggaaminaysay Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Marwo Dalays Shire Faarax, ayaa markii la furay xafiiskaasi kadib waxa hadallo ay hallkaasi ka jeediyeen ay dhammaantood tilmaamay siday ugu faraxsan yihiin xafiiskan oo ay isku raaceen inuu muhiimad wayn u leeyahay xisbiga iyo taageerayaashiisa xaafadda Sheekh Nuur.


Dhankooda bulshada ku dhaqan xaafadda SHEEKH NUUR oo xubno matalayey u hadleen waxay soo dhaweeyeen furista xafiiskan oo ay ku tilmaameen mid bar-kulan u noqon doona taageerada shacabka xaafada oo ay sheegeen inay isku raacsan yihiin xisbiga KULMIYE iyo doorashada murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

KULMIYE on Flickr