Xisbiga KULMIYE oo Cudud Taageero ku soo Bandhigay Dalka Holland

Xisbiga KULMIYE oo Cudud Taageero ku soo Bandhigay Dalka Holland

Uttrecht (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Laanta Xisbiga KULMIYE ee dalka Holland, ayaa cuddudooda taageer ku soo bandhigay munaasabad ballaadhan oo kulmisay haldoorka xisbiga dalalka Holland iyo Germany.

Munaasabadan oo lagu qabtay magaalada Uttrecht ee dalka Holland, taas oo ahayd dardargelin Laanta xisbigu ku samaynaysay taageerayaashooda iyo soo dhawayn loo sameeyey masuuliyiin iyo taageerayaal ka soo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.


Madashaasi lagu soo bandhigay awoodda xisbigu ku leeyahay dalwaynaha Holland, ayaa sidoo kale lagu sagootiyey xubnaha hoggaanka iyo muraaqibiinta xisbiga ee ka qaybgalaya doorashada Madaxtooyada Somaliland ka dhici doonta 13-November 2017.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN
https://www.youtube.com/watch?v=8_vf9GkL8-0

KULMIYE on Flickr