Xisbiga Kulmiye Ayaa Xafiisyo Kasoo Furtay Degmada Gebogebo iyo Deegaanada Ceeldheere Iyo Bali rooble Oo Dhamaantoodba Hoosyimaada Degmada Gebogebo Ee Gobolka Togdheer.

Xisbiga Kulmiye Ayaa Xafiisyo Kasoo Furtay Degmada Gebogebo iyo Deegaanada Ceeldheere Iyo Bali rooble Oo Dhamaantoodba Hoosyimaada Degmada Gebogebo Ee Gobolka Togdheer.

Wafti Balaadhan Oo ka Socda Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumada Somaliland Ayaa Xadhkaha Kasoo Jaray Xafiisyo Cusub Oo Xisbiga Kulmiye Ka Furtay Deegaamada Ceeldheer, Bali Rooble Iyo Gudaha Degmada Gebogebo.

Dadweyanah Deegaanadaasi Ee Kulmiyaysan Ayaa Siweyn Usoo Dhaweeyay Masuuliyiinta Utimi, Sidoo Kalena Waxay Dadkaasi Ka Dhawaajiyeen Inay Hore Iyo Diba Ay Yihiin Xisbul Xaakimka Kulmiye, Waxayna Odayaasha Iyo Masuuliyiinta Deegaanadaasi Uga Mahadceliyeen Xukuumada Uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxqabadka Laga Hirgaliyay Degada Intii Ay Xilka Haysay Xukuumada Kulmiye.


Sidoo Kalena Waxay ka Dhawaajiyeen in wixii Baahiyaha Aasaasiga Ee Ka Dhiman ay ka sugayaan dhamaystirkeeda xukuumada cusub iyo madaxweynaha ay dooran doonaan oo ay xuseen inuu yahay Murashax Muuse Biixi Cabdi,
Si Kastaba ha ahaatee Degmada Gebogebo oo uu magacaabay Madaxweyne Siilaanyo Ayay xukuumadu ka hirgelisay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin Saldhigii Booliska, Xaruntii caafimadka iyo Xarumihii Dawlada Hoose Ee Degmada Gebogebo, Waxaana La Filayaa In wafti balaadhan oo isugu jirta masuuliyiinta sare ee xisbiga Kulmiye, wasiiro iyo dadweynaha deegaankaasi Ay dabayaqaada bishan si wada jira xadhiga uga soo jari doonaan mashaariicdaasi halkaas oo lagu qabandoono Xaflad loogu wanqalayo Degmada Gebogebo ee Gobolka Togdheer.

KULMIYE on Flickr