Weftigii Murrashaxa KULMIYE oo ku soo laabtay Hargeysa, laguna soo dhaweeyey Deegaanka Abaarso

Weftigii Murrashaxa KULMIYE oo ku soo laabtay Hargeysa, laguna soo dhaweeyey Deegaanka Abaarso

Abaarso (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayey oo muddo toddobaad ah socdaal ugu maqnaa gobollada Awdal iyo Gabiley, ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa galabta, iyadoo lagu soo dhaweeyey degaanka Abaarso ee duleedka galbeed ee magaalada.


Guddoomiyaha iyo weftigiisa waxa deegaanka Abaarso soo dhaweyn diirran oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE ku qaabilay taageerayaal tiro badan oo deegaankan ku dhaqan.


Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo hadal kooban u jeediyey shacabka deegaanka Abaarso, ayaa ku bogaadiyey sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen murrashaxa KULMIYE iyo weftigiisa, waxaannu ku bogaadiyey inay codkooda la garab galaan xisbiga.

 


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna bulshada reer Abaarso uga mahadceliyey taageerada iyo isu soo baxa xammaasadaysan ee ay u muujiyeen, waxaannu kula dardaarmay inay isku duubnida iyo wada-jirka dhexdooda muhiimad siiyaan.

KULMIYE on Flickr