Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyey Deegaanka Bandaramaan

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyey Deegaanka Bandaramaan

Bandaramaan (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaanka Bandaramaan oo ka tirsan degmada Farawayne ee Gobolka Maroodi-jeex oo uu socdaal ku maray maanta.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa ku qaabilay deegaanka Badarmaan dadweynaha ku dhaqan oo ay hormood u yihiin madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo madaxda deegaanku, waxaanay u muujiyeen taageero heerkeedu sarreeyo oo ay u hayaan.


Boqorka guud ee deegaanka Boqor Cali Xuseen Kaahin, Suldaan Aadan Sul. Aamin Faarax, Marwo Yurub Abiib iyo odayaasha waxgaradka ee deegaanka, ayaa hadallo ay ka jeediyeen soo dhawayntaasi si farxad ugu qaabilay Murrashax Muuse Biixi iyo weftigiisa halkaasi, waxaanay u caddeeyeen in dadweynaha deegaanku si buuxda u taabacsanyihiin xisbiga iyo xukuumaddiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay codkooda siiyaan murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE.


Intaa kadibna Guddoomiyuhu waxa uu xadhigga ka jaray xafiiska xisbiga KULMIYE ee deegaanka Bandaramaan oo ay si iskood ah u hirgashadeen bulshada ku dhaqan halkaasi.

KULMIYE on Flickr