Wasiirka Duulista Somaliland oo Dadweynaha Sabowanaag iyo Deegaamada Hoos Yimaada kala Qaybgalay Ololaha KULMIYE

Wasiirka Duulista Somaliland oo Dadweynaha Sabowanaag iyo Deegaamada Hoos Yimaada kala Qaybgalay Ololaha KULMIYE

Sabowanaag (Warbaahinta KULMIYE)- Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Farxaan Aadan Haybe iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maalintii ugu dambayasay ee ololaha doorashada xisbiga KULMIYE kala qaybgalay dadweynaha degmada Sabowanag iyo deeganada hoosyimada.

 
Waftigan oo ay xubno ka ahaayeen Suldaan Maxamed Suldaan Bare oo ah Suldaanka Beelaha dega bariga iyo badhtamaha Hargeysa, aqoonyahano iyo xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE, kuwaas oo dadweynaha degmada Sabowaang isku soo baxyo balladadhan oo ay ku tageerayaan xisbiga KULMIYE ku qaabileen.

 


Wasiirka Wasaarradda Duulista Md. Farxan Aadan Haybe oo la hadlay bulshada degmada Sabowanaag, waxa uu ku guubabiyay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Doorashaa lagu jiraa waad ogtihiin horena balan ayeynu u lahayn, doorashadu mahaa xafiiltan iyo is qabsi iyo dagaan iyo colaad midna maaha, waxa weeye qof waliba xorriyadiisa xisbiga uu is yidhaado kaas ayaa ku munaasib ah noloshaada horumarinteeda iyo sii ambaqaadka harumarka Dalkan inuu codka siiyo weeye, qabyaaladna maaha oo qabyaalad hadday tahay reer waliba wuxuu samaysan lahaa xisbi, waa lays waywaydaaranayaa xisbiyadu waa Dumuquraadiyad waa la tartamayaa, tartankaa ayaa qayb laga yahay, annaguna waxaannu leenaha halka xisbiga KULMIYE ayaa guushu ku jirtaa.”

 


Sidoo kale, Suldaanka guud ee beelaha dega bariga iyo badhtamaha Hargeysa Suldaan Maxamed Suldaan Barre, ayaa bulshada ku dhiirigaliyay inay ilaashadaaan kaadhka cod-bixinta, maadaama oo ay ku codayn doonaan saddex doorasho ee soo socota “Waxaan idinkula dardaarmayaa hadal wasiirku wuu idiin dhammeeyey oo kaadhadhkiina uun ilaashada oo kaadhku yaanu idinka lumin oo waxaad ogaataan in marka la codaynayo inaanu maanta oo kaliya kaadhku ahayne oo kaadhkaasi hadhawto kuwa aynu golaha deegaanka la doonayno iyo hadhawto kuwa aynu la doonayno golaha Wakiilada ee aad idinku iska soo dhex xulataan waa kii loogu codaynayey,” ayuu yidhi.

 


Xubno kale oo uu ka mid yahay Maayirka Degmada Sabawanag Md. Cali, odayaal waawayn oo ka mid ah kuwa deegaanka iyo xubno ku hadlayey afka bulshadaasi, ayaa iyaguna si buuxda u caddeeyey inay barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE.

KULMIYE on Flickr