Taageerayaasha KULMIYE ee deegaannada Abaarso, Arabsiyo, Laalayska iyo Dhaboolaq oo Dhoolla-tusyo Ballaadhan Ka Muujiyey Maalinta Labaad ee Olaha xisbiga

Taageerayaasha KULMIYE ee deegaannada Abaarso, Arabsiyo, Laalayska iyo Dhaboolaq oo Dhoolla-tusyo Ballaadhan Ka Muujiyey Maalinta Labaad ee Olaha xisbiga

Abaarso(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee deegaannada Abaarso, Arabsiyo, Dhaboolaq, Laalayska iyo Malowle oo dhammaantooda katirsan gobolka Maroodi-jeex, ayaa cudud ballaadhan kaga qaybqaatay maalinta labaad ee kaltanka ololaha xisbiga KULMIYE.


Isu soo baxyda shacabka deegaannadani kaga qaybqaateen maalinta labaad ee kaltanka ololaha KULMIYE, ayaa waxa kala qaybgalay xilldhibaanno ay kamid yihiin Maxamed Cali Xirse Obaama, Cabdikariin Aw Cali Shabeel, Cabdilaahi Xuseen Cige Ballaaki, wasiiru-dawlaha wasaaradda Biyaha Md. Yuusuf Cismaan Garas, xubno siyaasiyiin ah oo deegaannadan kasoo jeeda, waxana ay muujiyeen sida aan kala hadhka lahayn ee ay u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE.


Boqolaal kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee deeggaannada oo ku lebbisan astaanta xisbiga KULMIYE, ayaa sawaxan iyo sacab kusoo dhaweeyey siyaasiyiinta iyo xildhibaannada golaha Baarlamaanka, waxana loo jeediyey hadallo lagu guubaabinayo inay maalinta codka si taxadar leh ugu codeeyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

KULMIYE on Flickr