Soo Dhaweyn Cuddoon oo Shacabka Degmada Waraabeeye Ku Qaabileen Wafti uu Guddoomiye Muuse Biixi Hoggaaminayo

Soo Dhaweyn Cuddoon oo Shacabka Degmada Waraabeeye Ku Qaabileen Wafti uu Guddoomiye Muuse Biixi Hoggaaminayo

Waraabeeye – (Xisbiga KULMIYE) – Shacabka ku dhaqan degmada Waraabeeye oo ka tirsan gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn indhaha soo jiidatay ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii ugu dambeeyey socdaalo ay ugu kuur gelayeen qaadashada kaadhadhka diiwaangelinta ku marayey goobo badan oo gobolka Togdheer ka tirsan.


Shacab weynaha ku dhaqan degmada Waraabeeye, ayaa iyaga oo aan u kala hadhin si diirran usoo dhaweeyey guddoomiyaha iyo waftigiisa, waxana hadallo kooban oo madasha soo dhaweynta haldoorkooda iyo siyaasiyiintoodu ka jeediyeen ay ku sheegeen inay si buuxda u taabacsan yihiin taageerada xisbiga KULMIYE.


Wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo madax ka tirsan waftiga guddoomiyaha oo shacabka goob fagaare ah kala hadlay, ayaa soo dhaweyntooda ka mahad celiyey, waxana ay sheegeen in taageerada ay muujiyeen qayb libaax ka qaadan doonto halganka uu xisbigu ugu jiro inuu mar labaad talada dalka ku guulaysto.


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna dadweynaha u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa ku dheeraaday taariikhda mugga leh ee degmada ku duugan, waxana uu caddeeyey inuu ka filayo taageero ballaadhan waqtiga codaynta la gaadho

KULMIYE on Flickr