Shacabka Gobolka Awdal oo Mar kale Soo Bandhigay Baaxadda Taageerada ay u Hayaan xisbiga KULMIYE

Shacabka Gobolka Awdal oo Mar kale Soo Bandhigay Baaxadda Taageerada ay u Hayaan xisbiga KULMIYE

Boorama (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Shacabka Gobolka Awdal ee Somaliland, ayaa mar kale soo bandhigay baaxadda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE kadib isu-soo-baxyo waawayn oo ay ka sameeyeen degmooyinka gobolka oo dhan.

 
Kumanaan iyo kumanaan dadweynaha Gobolka Awdal oo ka qaybqaatay ololaha maalinta toddobaad ee xisbiga KULMIYE oo ahayd gunaanadka ololihii xisbiga, ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha magaalooyinka gobolka.
Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal oo ahayd xudun ugu wayn ee taageerayaasha KULMIYE isku muujiyeen maant, waxa fagaaraha khayriyada isugu tagay kumanaan qof oo soo bandhigay sida buuxda ay ee ay u barbartaagan yihiin xisbiga iyo doorashada murrashaxiintiisa, waxaanna kala qaybgalay madax kala duwan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa jagadaasi ee mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

 


Waxa kaloo Madaxweyne-ku-xigeenku ka qaybgalay isu-soo-bax bulshada degmada Dilla ku soo bandhigtay taageerada xisbiga KULMIYE, halkaas oo lagu soo dhaweeyey roog-cas.

KULMIYE on Flickr