Reer Balligubadle oo Taageerada KULMIYE ku Muujiyey Ololaha xisbiga oo ay kala Qaybgaleen Wefti uu Hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadu

Reer Balligubadle oo Taageerada KULMIYE ku Muujiyey Ololaha xisbiga oo ay kala Qaybgaleen Wefti uu Hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadu

Balligubadle (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Shacabka ku dhaqan magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd, ayaa taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE ku muujiyey soo dhawayn ay ku qaabileen wefti ballaadhan oo uu horkacayey Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo degaamada gobolkaasi u tagay ololaha doorashada ee maalinta lixaad ee xisbiga.

 


Weftiga oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Khadar Xaaji Yuusuf, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Md. Cali Salaan (Cali Shoombe), Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo masuuliyiin iyo saraakiil kale oo ka tirsan KULMIYE iyo xukuumaddiisa, kuwaas oo bulshada ku dhaqan Balligubadle si aan kala hadh lahayn yar iyo wayn iyagoo ku lebisan calanka xisbiga KULMIYE u soo dhaweeyeen, una tuseen xoogga taageero ee xisbigu ku leeyahay degaanka.

 


Weftiga wasiirrada iyo madaxda kale oo socod lug ah ku dhexmaray waddooyinka magaalada Balligubadle waxay dadweynaha kala qaybgaleen xaflad ballaadhan oo loogu talogalay dabbaaldegga ololaha KULMIYE ee maalintiisa lixaad, halkaas oo ay khubado uga jeediyeen wasiirradu.

 


Xubno ku hadlayey afka bulshada oo haween, rag iyo dhallinyarabo lahaa ayaa iyaguna sheegay inay xisbiga KULMIYE iyo deegaanka Balligubadle ay ka dhaxayso taariikh ma guuraan ah, sidaasi darteedna ay codkooda iyo cududoodaba siinayaan xisbiga.

KULMIYE on Flickr