OGYASIIS – Ardayda Jaamacadda Gabiley

OGYASIIS – Ardayda Jaamacadda Gabiley

Xisbiga KULMIYE waxa uu ku wargelinayaa ardayda Jaamacadda Timacadde ee Gabiley iyo dhallinyarada aqoonyahanka ee magaalada in kulankii Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ugu soo bandhi lahaa barmaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE ee qorshaysnaa inuu dhaco caawa oo taariikhdu tahay 8-da bisha October 2017 loo baajiyey geeri naxdin leh oo ku timi Alle ha u naxariistee afar qof oo ku nafwaayey shil laba baabuur oo isku dhacay duleedka magaalada Gabiley galabta, kaas oo ay ku dhaawacmeen ilaa shan qof oo kale oo xaaladooda lagula tacaalayo cusbitaalka Gabiley.

Sidaasi darteed, waxa lagu wargelinayaa aqoonyahanka Gabiley in kulanka Prof. Axmed Samatar ku soo bandhigayo barmaami-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE dib loogu riixay habeen dambe oo taariikhdu tahay 9-ka bisha October oo ah habeenimada maalinta Isniinta ee ay soo galayso Salaasadu.

KULMIYE on Flickr