Murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee Doorashada oo si Rasmi ah loo Guddoonsiiyey Shahaadada Tartanka

Murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee Doorashada oo si Rasmi ah loo Guddoonsiiyey Shahaadada Tartanka

Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ugu tartami doona doorashada Madaxtooyada u qorshaysan 13-ka November 2017 – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si rasmi loo guddoonsiiyey shahaadooyinka murrashaxnimo ee ay kaga qaybgalayaan tartanka doorahsada.


Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa kulan ka dhacay xarunta dhexe ee Komishanka shahaadooyinka murrashaxnimada guddoonsiiyey dhammaan lixda murrashax ee saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ugu kala taagan jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, kadib markii ay shuruudaha murrashaxnimo ay ugu tartamayaan madaxweyne ama madaxweyne-ku-xigeen, iyadoo loo eegay Qodobka 82aad ee Dastuurka, isla markaana waxa halkaasi laga akhriyey caddaymaha ay murrashaxiintu u gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka iyo qoraallo ku lifaaqnaa.


Waxa kaloo kulanka ay Guddiga Doorashooyinka iyo Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ku kala saxeexdeen Xeerka Hab-dhaqanka Doorashada Madaxtooyada ee 2017, kaas oo lagu ilaalinayo anshaxa tartanka iyo hannaan wanaagsan oo ay u dhacdo doorashadu.

KULMIYE on Flickr