Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Shaaciyey in Hab Cilmi-nafsi ah Lagu Dawayn Karo Tabashooyinka Saami-qaybsiga Somaliland

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Shaaciyey in Hab Cilmi-nafsi ah Lagu Dawayn Karo Tabashooyinka Saami-qaybsiga Somaliland

Murrashaxa KULMIYE: Inanta ku dhalatay Hargeysa waxa ay aamisantahay inay Somaliland leedahay, halka inanka jooga Sool amma Awdal uu rumaysan yahay in qolo gaar ah leedahay Somaliland

 

 
·        Muuse Biixi oo ka jawaabay doorka haweenka iyo dhallinyaradu ka qaadan karaan talada qaranka Somaliland + caqabado ka soo baxay siyaasaddii waxbarashada bilaashka ah
 
“Wax aan annigu dul-qaad u aqaan ayuu Jaamac-na (qof kale) doqoniimo u yaqaan, wax aan doqoniimo u haysto ayuu qof kalena dulqaad u yaqaan”
Murrashaxa KULMIYE
 
Hargeysa (Jam)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey in hab cilmi-nafsi  maskaxmeed ah (Psychological) lagu dawayn karo tabashooyinka kala duwan ee la xidhiidha nidaamka saami-qaybsiga dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabay su’aallo kala duwan oo dumar aqoonyahan ah madal furan ku weydiiyeen habeenkii Isniinta, waxa uu sheegay in aanay dhibaato badan ka taagnayn tabashooyinka saamiga gobollada dalku ku leeyihiin golayaasha qaranka amma xilalka sare ee Somaliland, balse dhibka u baahan in la xaliyo yahay mid la xidhiidha dhinaca maskaxda, kaasoo khuseeya wada-lahaanshaha dalka Somaliland.
Murrashaxa KULMIYE oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey nidaamka saami-qaybsiga gobollada dalka iyo sida loo heli karo in cid kastaaba saamigeeda oo uu buuxa uga heli karto Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Marka laga hadlayo hannaanka saami-qaybsiga ee dalka horta ma jirto meel lagu qoray nidaam saami ah oo la leeyahay gobollada Somaliland gobolkastaaba intaas ayuu leeyahay iyo sidaas ayaa loo qaybinayaa oo qof walba ogyahay, arrintaas weli maynaan gaadhin, waana hawl adag. Dulqaata iyo doqoniimadu waa walaalo, wax aan annigu dul-qaad u aqaan ayuu Jaamac-na (qof kale) doqoniimo u yaqaan, wax aan doqoniimo u haysto ayuu qof kalena  dulqaad u yaqaan.  Haddii aan u soo joogay ilaa intii ay Somaliland jirtay arrinta saami-qaybsiga gobolladu waxa aan isleeyahay maanta ayey ugu dhaw-dhawdahay oo maanta Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, waxa uu ka soo jeedaa Sool, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad-na waxa uu ka soo jeedaa Awdal, waana sharci-dejintii. Wasiirka Daakhiligu waxa uu ka soo jeedaa Sool, horena umay dhicin oo tallaabo kale oo miisaankeeda leh, waxayna ku timmi is-aaminaada iyo Somaliland oo heshiisay oo wax wada yeelatay.”
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa ay ila tahay ciddii joogta ee ka qaybgasha doorashooyinka Somaliland iyo golayaasheedu, waxa la gaadhi doonaa, imminkana u muuqataa in la isku dooranayo qofka iyo kartidiisa, qofka iyo hoggaamintiisa oo uu codku u dhacayo, inta hadhsana waa la buuxin doonaa, waxaanan filanayaa saamiga xilalka iyo golayaashu inay maanta yara wanaagsan yihiin, balse saamiga la doonayaa waa ka dhinaca maskaxda (Psychological Ownership of the Nation) oo inanta ku dhalatay Hargeysa amma Burco iyo inanta ku dhalatay Sool amma inanka ku dhashay Badhan iyo Awdal isagoo aan shaqo ku hayn oo aan waxba ku hayn, haddana qalbigeeda amma qalbigiisa waxa ku jira inay Somaliland oo dhanba iyadu leedahay, waana saami-qaybsiga cilmi-nafsiga ah (Psychological Allocations), laakiin waxa laga yaabaa inanta amma inanka ku dhashay ee jooga Sool amma Awdal iyo Saylac, isagoo waxaba wada heli lahaa inuu maskax ahaan (Psychologically) u arko in aannu waxba ka helayn Somaliland oo ay cid gaar ah amma qolo gooni ah leedahay, haddaba saami-qaybisaga ina hayaa waa kaas cilmi-nafsiga ah ee maaha inuu xilal ku qabo amma xilal la qaybsado,  waana kaas ka loo baahan yahay in la daweeyo, markaa in aynu kaas meesha ka saarno oo dadka reer Somaliland maskaxdooda is fahamsiino ayeynu u baahanahay, taasina maanta meel wacan ayey maraysaa.”
Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey in la gaadhay waqtigii talada dalka iyo masuuliyadda qaranka lagu aamini lahaa in loo dhiibo dad dhallinyaro ah, waxa uu sheegay in da’yarta aqoonyahanka ah ay qaadi kataan, kana soo bixi karaan shaqooyinka qaranka haddii loo xilsaaro, waxaannu yidhi; “Qof kasta oo qaan-gaadh ah oo Ilaahay (SWT) maskax siiyey waa loo dhiibi karaa talada, wuuna keeni karaa xal lagu furdaamiyo arrimo taagan amma lagaga gudbi karo dhibaatooyin jira. Waxa aan intaas idiinku darayaa ilaa inta aan annigu imminka garanayo ilaa aynu qaadano ra’yiga ah qofku inta uu xoogga yahay ee caqliga iyo xoogiisuba wax yihiin ha loo dhiibo talada culus, inta uu qofku shaqayn karayaana waa inta uu xoogga yahay. Annigu shalay wixii aan jiidhi karayey maanta ma karayo, maskaxdu intii ay qaadi karaysay hadda ma qaadi karayso, intii aan ordi karayey ma ordi karayo. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa; “nin yar inta uu geed ka boodi karo ayuu talo ka boodaa.’ Waa maahmaah u baahan in dib loo hubiyo, sababtoo ah dadku inta uu yar yahay ayuu wax qaban karaa oo uu go’aamo adag gaadhi karaa oo uu wax beddeli karaa.”
Waxa kaloo uu Murrashax Muuse Biixi sheegay in taariikhaha marka dib loogu noqdo xilligii asxaabaha, raggii hareeraha joogay Nebbi Muxamed (SCW)  ay ahaayeen qaar da’doodu ka yartahay 30 sanno jir, halka uu sidoo kale xusay in aqoonyahannadii caalamka casriga ah isbeddelada ku keenayna ahaayeen dad da’yar ah.
Gabadh ka mid ah ardayda Jaamacadaha dalka wax ka barata, ayaa murrashaxa KULMIYE weydiisay su’aal ahayd; “Mudane, haddii aad ku guulaysato madaxtinimada Somaliland heerkee ayaad gaadhsiin doontaa in aad haweenka ka qaybgeliso talada dalka? Waxaannu ku jawaabay; “Arrintaasi waxa ay u baahan tahay in laga wada hawlgalo oo meelaha talada dalka laga furfuro ay kaalin ka qaataan, haddii ay yihiin baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), saxaafadda ka mid tahay, anniguna dagaalkaas aan hormuud idiinku noqdo diyaar ayaan u ahay si aad u heshiisaan xuquuqdiina oo dhan wixii diinta islaamku idiin ogoshahay ee aan xad-gudub ku ahayn.”
Murrashaxa KULMIYE  oo la weydiiyey su’aal la xidhiidhay xaaladaha ammaanka ee Gobolka Sool, waxa uu sheegay in waqtiyada qaar ay dilal joogto ah ka dhici jireen degaannada Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Laascaanood, balse aanay hadda taasi jirin, nabadgelyada degaannadaasina aad u fiican tahay, isagoo xusay in muddada toddobada sanno ah ee xukuumadda KULMIYE talada haysay ay wax badan qabatay ammaanka Gobolka Sool, waxaannu ammaanay ciidanka qaranka Somaliland oo uu sheegay in dedaal badan u galeen sidii nabad waarta looga dhalin lahaa degaannada gobolkaas.
Waxa kaloo Muuse Biixi Cabdi ka jawaabay su’aal laga weydiiyey tayada waxbarashada dalka iyo siyaasaddii KULMIYE ee ahayd in dugsiyada hoose-dhexe lagu dhigto si bilaa lacag ah, waxa uu sheegay in Xukuumadda KULMIYE ay mar walba ahmiyad weyn siinayso horumarinta iyo tayeyta habka waxbarasho ee dalka Somaliland, waxaannu xusay in gal-daloolooyin ka soo noqdeen siyaasadoodii ahayd in waxbarashada heerka hoose noqoto bilaash.
“Markii tacliinta bilaash laga dhigay waxa soo baxday saddex laab arday u baahan tacliin oo aan markii hore fursad u heli jirin, arrintaasna kamaanu sii tabaabushaysan oo figrada ah in tirada intaas le’eg kordhayso kumaanu talogelin, waxa ay ahayd in markaas la saddex laabo macallimiintii, waa in fasaladii waxbarashada la saddex laabo, taasina waxa ay ka hortimmi fikirkii min-qiyaaska ahaa in tacliinto laban-laab noqoto marka bilaash laga dhigo, balse wax aad uga sareeya ayaa soo baxay oo saddex laab noqday, dhaqaalihii ayuuna la tartami kari waayey, hoos-u-dhac ayaanna ka yimmi, waana cillad iyo caqabad aynu aragnay, waanan ka saaraynaa oo weliba waxa aynu gudogelaynaa, kuna talogelaynaa in aannu dalku kala jiidan oo inta lacag lihina aanay tegin dugsiyo waxbarasho oo gaar ah oo ay wax ku bartaan, dadka intiisa badana aanay hadhin, waayo kuwaas lacagta leh iyo intaas yar ee dugsiyada u samaynaysaa way dumayaan haddii uu dadka intiisa badan ka hadho, sidaasna diinta islaamka ayaa inoo sheegtay oo waa in dadka la isku celiyo, la bixiyo sekeda, oo la ladan laga qaado sadaqo, lana siiyo ka faqiirka ah si bulshada la iskugu hayo,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxaannu intaas raaciyey; “Hannaanka dawladnimo ayaa inoo sheegay oo waa in ka lacagta haysata amma taajirka ah cashuur badan laga qaado, ka faqiirka ahna cashuurta laga yareeyo, si ay dadku isku soo gaadhaan. Markaa waa in aynu taas hirgelino, anniguna tilmaantiisa iyo ku hirashadiisa ayaan leeyahay, idinkuna (bulshada) xoogga ka dambeeya ee hirgelinaya ayaad tihiin, markaa waa hawl qaran oo inoo wada taal.”
Waxa kaloo uu Murrashaxa KULMIYE ballanqaaday inuu diyaar u yahay xidhiidh joogto ah oo uu la yeesho gabdhaha aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, soona dhawaynayo wax kasta oo talo iyo tilmaan ah ee ay ula yimaadaan si looga wada shaqeeyo danaha guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 
Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

KULMIYE on Flickr