Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Booqday Garoonka Tima-cadde ee Kubbadda Kollayga Hargeysa oo Agabka Tartan ka socda uu Bixiyey Xisbigu

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Booqday Garoonka Tima-cadde ee Kubbadda Kollayga Hargeysa oo Agabka Tartan ka socda uu Bixiyey Xisbigu

Hargeysa (Xisbiga Kulmiye) – Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday garoonka Tima-cadde ee kubadda Kollayga ama gacanta ee caasimadda Hargeysa caawa cawayskii, kaasi oo uu ka tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo agabka ciyaartoyga iyo qalabka lagu qabtayba uu bixiyey xisbigu.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo Golaha Wakiillada ka tirsan, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE Cabdinajax Siyaad, waxa garoonka ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubadaha Gacmaha Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax), hawlwadeennada tartanka, ciyaartoyga iyo dadweyne u soo daawasho tagay garoonka.
Md. Muuse Biixi waxa uu ku sugnaa garoonka waqti ku dhaw saacad oo uu ku daawaday qayb ka mid ah ciyaar dhexmartay labada kooxood oo ka kala socday shirkadda Telesom iyo dawladda hoose ee Gabiley.
Masuuliyiinta ka socday Xidhiidhka Kubadda Gacanta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa ka warbixiyey tartanka ka socda Garoonka Tima-cadde oo ay sheegeen isugu jira heerka koowaad oo ay ku tartamayaan 7 naadi iyo qaybta kooxaha heerka labaad oo ay ku tartamayaan 8 kooxood, isla markaana waxay uga mahadceliyeen Guddoomiyaha iyo xisbiga KULMIYE taageerada ay ka gaysteen tartan oo isugu jirta dirayska 15 kooxood, billadaha iyo koobabka la kala qaadayo.
Madaxda ciyaaraha iyo Wasiirka Caddaladdu waxay u mahadceliyeen Guddoomiyaha xisbal-xaakimka oo ay ku sifeeyeen masuul xog-ogaal u ah dadkiisa iyo da’yarta dalkaba.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo isna hadal kooban ka jeediyey garoonka, waxa uu ku hambalyeeyey dhallinyarada, kooxaha ciyaartoyga iyo Wasaaradda Ciyaarahaba hirgelinta tartannada ciyaaraha oo uu xusay inay muhiimada wayn u leeyihiin da’yarta. Waxaannu ugu baaqay ciyaartoyga inay horumariyaan xirfadooda ciyaareed si ay heer fiican uga gaadhaan, ugana badbaadaan balwadaha dhibaatada ku haya dhallinyarada.
Guddoomiyuhu waxa isagoo ku dhiirrigelinaya dhallinyarada ciyaarta kollayga uu dhawr jeer sameeyey sharciga labada tallaabo loo yaqaanno kadibna uu kubadda ku tuuray riinka goolka ee garoonka ciyaartu ka socotay.

 

=====================================================================================

Kulmiye Presidential Candidate Hands Over Sports Clothing To Squads Participating At Tima’adde Basketball Tournament

Hargeisa (Kulmiye Party) – The presidential of the Kulmiye Ruling Party has paid a visit to Tima’adde Basketball stadium where sport tournaments in the holy month of Ramadan are taking place.

Accompanied by the Minister of Justice Hon. Ahmed Adarre, MP Mohamoud Jama Warfa and the chairman of Kulmiye Youth Wing Hon. Abdinajah, the chairman has received a warm welcome from the Director General of Sport and Youth Ministry Mr Mohamed Hussien Dhabeeye.

On the other hand, hundreds of spectators have welcomed the chairman of Kulmiye Mr Muse Behi at the stadium. They lauded the presidential candidate for his unwavering determination and commitment in producing competent youth for the country. “You are the future of this nation. We want a tomorrow better than today. Through positive attitude and good polite, we will lead the world,” said Behi.

And lastly, the chairman has handed over the squads participating the tournament the sports clothing and other important basketball equipment to the basketball officials led by the chief executive of Somaliland Basketball Association Mr Mohamoud Qodax.

KULMIYE on Flickr