Masuuliyiin ka Tirsan KULMIYE iyo Xukuumaddiisa oo Kulan Dardargelin ah la Qaatay Dhallinyarada Danwadaag

Masuuliyiin ka Tirsan KULMIYE iyo Xukuumaddiisa oo Kulan Dardargelin ah la Qaatay Dhallinyarada Danwadaag

Hargeysa (Xisbiga KULMIYE)- Masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, ayaa kulan afur iyo casho ah oo la xidhiidhay is-xogwaraysi iyo dardargelin la qaatay guddiga dhallinyarada beelaha Danwanaag ee xaafadda Daami ee degmada Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, Wasiirka Caaddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Mr. Maxamed-deeq Muuse, masuuliyiin iyo hawl-wadeenno kale oo ka tirsan xisbiga iyo xukuumaddiisa, kuwaas oo ay kulankaasi kaga wadatashadeen dhallinyarada Danwadaag sii xoojinta hawlaha u dardargelinta xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin ka hor doorashada iyo u diyaargarowga qaadashada kaadhka codbixinta oo dhawaan laga bilaabi doono gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer.
Wasiirka Caaddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Mr. Maxamed-deeq Muuse, Garyaqaan Cumar iyo xubno kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa hadallo isugu jira mahadnaq, dhiirrigelin iyo xog-warranba u jeediyey dhallinyarada.

KULMIYE on Flickr