Madaxweynaha la Doortay oo Booqasho Salaan Iyo Maamuus ah Ugu Tegay Madaxweynaha Talada Haya

Madaxweynaha la Doortay oo Booqasho Salaan Iyo Maamuus ah Ugu Tegay Madaxweynaha Talada Haya

Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Madaxweynaha shacabka reer Somaliland doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan booqasho iyo salaan ah ugu tagay Madaxweynaha waqtigan talada dalka haya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) maanta.

 
Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka cusub Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah hoggaanka KULMIYE, Maayarka Caasimadda, Wasiirro, xildhibaanno iyo haldoor kale oo bulshada ah, waxaannu booqashaday Madaxweynaha xilka haya Md. Axmed Siilaanyo oo ku sugnaa xafiiskiisa qasriga Madaxtooyada, iyada oo madaxweynaha talada hayaa si weyn halkaas ugu soo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee dhawaan xilka uu hayo ka beddeli doona.

 


Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somalilnad doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn si weyn ugaga mahadnaqay madaxweynaha xilka haya doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu ku lahaa guushii xisbiga KULMIYE ee uu odayga u yahay kasoo hooyey doorashadii madaxtinimada ee ka qabsoontay dalka 13-kii November oo uu sheegay in wanaagii ay ku dhammaatay ammaanteeda ay leedahay xukuumadda uu hoggaamiyaa, waxaannu ballanqaaday inuu gebi ahaanba ummadda reer Somaliland si odoytinimo leh isugu wadi doono.

 


Madaxweynaha xilka haya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna si kal iyo laab ah u hambalyeeyey Madaxweynaha shacabku doortay, waxaannu Ilaahay uga baryey inuu xilka u fududeeyo, isaga oo xusay inuu kalsooni badan ku qabo shaqadiisa iyo waxqabadkiisaba.

KULMIYE on Flickr