Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo Khudbad uu Diirradda Ku Saaray Midnimada umadda iyo Qorsheyaashiisa Mustaqbalka Jeediyey

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo Khudbad uu Diirradda Ku Saaray Midnimada umadda iyo Qorsheyaashiisa Mustaqbalka Jeediyey

Hargeysa(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Madaxweynaha Cusub ee shacabka reer Somaliland doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada reer Somaliland u jeediyey khudbad ballaadhan oo uu diiradda ku saaray midnimada iyo wada-jirka Bulshada, bogaadinta hay’adaha kala duwan ee qaranka iyo axsaabta qaranka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

 
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo bulshada la hadlay waxyar kaddib markii ay maanta komishanka doorashooyinka qaranku shaaciyeen natiijada doorashadii madaxtinimada ee Toddobaadkii hore dalka ka qabsoontay, ayaa ugu horrayn tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay doorashada dalka ka qabsoontay iyo dimuqraaddiyadda dalka ka hana hanaqaadday, isaga oo si weyn u ammaan iyo bogaadin ugu jeediyey axsaabta kala duwan ee qaranka, hay’adaha qaranku ka kooban yahay iyo dalalka saaxiibka gaarka ah la ah Jamhuuriyadda Somaliland.

 
Madaxweynaha cusub ee bulshadu dooratay Md. Muuse Biixi Cabdi waxa guusha xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay ku tilmaamay guul ay Somaliland oo dhammi wada leedahay, isaga oo meesha ka saaray inay jirtey colaad gaar ah oo axsaabtii doorashada ku tartantay u dhaxaysay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta xisbi gaar ahi ma guulaysanin saddexdii xisbiba way guulaysteen Somaliland oo dhan baa guulaysatay, maantana ma nihin annaga iyo idinka’e waxa aynu nahay innaga oo Somaliland ah, qardoofooyinka bani’aadamku way yimaadaan, qoyska is khilaafa Aabo iyo Wiil, Hooyo iyo Inanteeda iyo laba Baayac-mushtar wada leh, xisbiyada danta qaran ka hadlayeyna waxa aan xaqiiqsanahay inay dhammaantood u tartamayeen Somaliland sidan ay tahay ka wanaagsanaata, waxa qudha ay wadeenna ahayd inuu nin waliba lahaa hawshaasaan hayaa taydaa lagu horumarayaa, Walaaltinimo iyo dal-dhis uun baa lagu tartamayee xumaan iyo ummad la collaysiiyo midna maynaan gaadhin, maantana tii uun baynu haynaa.”

 
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inuu muhiimad gaar ah siinayo sidii xil weyn la isaga saari lahaa turxaan-bixinta kala aragti duwanaanshaha axsaabta dhexdeeda taalla ee doorashadii dalka ka dhacday ka dhalatay, isaga oo cod dheer ku sheegay inuu gacan walaaltinimo u fidinayo cidkasta oo wax tirsanaysa, “Hadii xisbi wax diidan yahay walaaltinimadiisa waanu doonaynaa, Somaliland-na la’aantii hore u marimayso, haddii aynu kala jajabnana cadowgeenaa badanaya, walaaladeen kii waxtirsanayaba baaq nabadeed , gacan walaaltinimo iyo waxeena oo sidii aynu u dhammaysan jirney aynu u dhammaysano ayaanu ugu baaqaynaa oo aanu ugu diyaar garoobaynaa, Somaliland-na maanta inta ay wada leedahay ee ay heshiiska ku tahay, ayaa ka badan waxa ay isku seegi karto,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biiixi Cabdi.

 
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland leedahay hal cadow oo kali ah oo u baahan in loo midoobo, isla markaana guusha uu gaadhay ay la leeyihiin murrashaxiintii kursiga kula loollantay, waxana uu yidhi, “Somaliland waxa ay leedahay cadow qudha oo dhammaanteen inala wada cadow ah, waxana aynu hore umari karnaa marka aynu isu nimaadno ee aynu midowno, aniga oo maanta umaddu I karaamaysay oo codkii ugu badnaa I siisayna ma aha inaan kaligay guulaystaye waxa ila guulaystay murrashaxii WADDANI iyo kii UCID-ba,labadana waxan ka codsanayaa si karaamo leh oo waddaninimo leh inaanu isugu nimaadno oo dalka wada maamulno, qaddarintooda iyo miisaankoodana la siiyo.”

KULMIYE on Flickr