Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Furay Tartanka Dar Dar Galinta Dhalinyarada 26 Juun

Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Furay Tartanka Dar Dar Galinta Dhalinyarada 26 Juun

Hargeysa(Warbaahinta Xisbiga Kulmiye)Xaflada daahfurka tar tan ciyaareedkan oo ka dhacday garoonka xawaadle ee magalada hargeysa ayaa waxa kasoo qayb galay Maayarka Caasimada Hargeysa ,Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ,gudoomiye ku xigeenka gobolka maroodijeex Cabdiraxmaan Hadhiye ,gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee gobolka maroodijex Cabdirisaaq Koosaar Maxamuud ,Gudoomiya Degmada 26 -Juun Ee Xisbiga iyo masuuliyiin kale oo Tiro Badan .


Dhalinyarada Degmada 26-Juun ayaa xisbiga KULMIYE iyo Maayarka uga Mahad naqay dhiiri galinta iyo siday marwalba ula bar baar taaganyihiin dhiiri galinta dhalinyarada degmadan iyo degmooyinka kale dalka.
Masuuliyiinta heer gobolka ee xisbiga KULMIYE Oo goobtaasi ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin inay kasoo qayb galaan xaflada daahfurka Tar Tan Ciyaareedkan iyo taagerada dhalinyarada degmadan la garab taaganyihiin xisbiga KULMIYE.


Maayarka Cassimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco Oo Kubadii Ugu Horaysay Halka Ka laagay ayaa waxa uu sheegay inaanay dhiiri galintan dhalinyaradu noqon doonin tii u danbaysay ee ay soo gaadhsiiyaan ee ay markasta xisbiga kulmiye La Bar Bar Taabganyahay taagero iyo wax qabad wax tar u ah dhalinyarada .

KULMIYE on Flickr