KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Siyaasiyiin iyo Taageerayaal Miisaan leh Oo Kasoo digo-rogtay Xisbiga WADDANI

KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Siyaasiyiin iyo Taageerayaal Miisaan leh Oo Kasoo digo-rogtay Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Warbaahinta KULMIYE)- Siyaasiyiin iyo taageerayaal miisaan leh oo ka soo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbul-xaakimka KULMIYE oo ku qaabilay xaflad ballaadhan oo xisbigu ugu qabay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta.

Siyaasiyiinta ka baxay xisbiga WADDANI iyo taageerayaashan oo uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee xisbiga WADDANI Mr. Axmed Cali Ubaxle, isla markaana ay xubno ka ahaayeen saraakiil tiro badan oo ka soo jeeda deegaannada Qorulugud, Coodanle iyo Wadaam-goo, ayaa si mug leh uga sheekeeyey sida ay ugu qanceen xisbiga KULMIYE, isla markaana diyaarka ugu yihiin inay garab istaagaan sidii xisbigu mar labaad majaraha ugu qaban lahaa talada dalka doorashooyinka soo socda, waxaanna soo dhaweeyey hoggaanka xisbiga KULMIYE oo u hormood u ahaa Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeennadiisa kowaad iyo abaad – Maxamed Kaahin iyo Axmed Cabdi-dheere iyo kaadirka kale ee xisbiga.

Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee WADDANI, ahaana La-taliyihii Guddoomiyaha xisbigaasi ee dhinaca ganacsiga ee xisbiga WADDANI Mr. Axmed Cali Ubaxle, ayaa hadal uu ka jeediyey xafladda ku tilmaamay kaalintii uu kaga jiray xisbigiisii hore iyo sababta uu uga baxay, waxaannu yidhi, “Xisbigii WADDANI ee aan ka imi aasaayaashiisii baan ka mid ahaa 21 qof oo uu Guddoomiye Cirro ka mid ahaa baanu ku aasaasnay, waxna ka odhan maayo oo intii uu Mujaahid Boobe Yuusuf ka yidhi u dhaafi maayo.”

KULMIYE on Flickr