Kulanka lagaga Dooday Qaybta Waxbarashada ee Barmaamij-siyaasadeedka KULMIYE oo lagu Qabtay Hargeysa

Kulanka lagaga Dooday Qaybta Waxbarashada ee Barmaamij-siyaasadeedka KULMIYE oo lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Xisbiga KULMIYE, ayaa qabtay kulan lagaga dooday Barnaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbigu ku galayo doorashada Madaxtooyada ku qabtay magaalada Hargeysa xalay.

Kulan ballaadhan oo ka dhacay xafiiska Barkulanka Taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo ku yaal xaafadda Shacabka ee caasimadda, kana qaybgaleen Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada KULMIYE iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga, Wasiirka Caddaaladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo madax kale, xubno ka mid ah aqoonyahanka xisbiga KULMIYE, maamulayaal iyo macallimiin ka kala socday dugsiyo waxbarasho oo kala duwan iyo dhallinyaro badan, ayaa lagu falanqeeyey qaybta Waxbarashada ee Tiirka koowaad ee Arrimaha Bulshada ee Barmaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE.


Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, ayaa madasha ku soo bandhigay qodobada uu ka kooban yahay qaybta waxbarashada ee barmaamijka iyo qorshayaasha xisbiga uga meel yaal sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada dalka guud ahaan.


Kulanku intii uu socday waxa lagu falanqeeyey heerarkii Waxbarashada dalku soo martay, heerka horumarka waxbarashada eek a dhashay barmaamij-siyaasadeedkii hore ee xisbigu ku galay doorashadii hore iyo arrimaha caqabadda noqday ee hadda xisbigu wax-ka-beddelayo mar labaad haddii uu ku guulaysto talada waddanka mar kale. Waxa kaloo xubnaha aqoonyahanku tilmaameen qorshayaasha KULMIYE u diyaariyey horumarin baaxad leh oo xisbigu ku sameeyo tayeynta waxbarashada dalka Somaliland.


Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye Cabdi Najax Siyaad Aw Cabdi iyo Aqoonyahan Jamaal Cabdi Muuse oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa iyaguna faahfaahin ka bixiyey barmaamij-siyaasadeedka xisbiga, gaar ahaan qaybta waxbarashada iyo mudnaanta uu siinayo dhallinyarada.


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Axmed Abokor iyo Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Mr. Cabdillaahi Ibraahim Xasan, ayaa iyaguna soo bandhigay isbeddelka horumarka ah ee laga gaadhay waxbarashada intii xukuumadda KULMIYE xilka haysay oo ah mid baaxad leh, isla markaana wada gaadhay dalka oo dhan.


Sidoo kale, qaar ka mid ah maamulayaasha iyo macallimiin ka tirsan kuwa dalka iyo weliba xubno waalidiinta ardayda wax ka bartaan dugsiyada iyo jaamacadaha waddanka, ayaa iyaguna kulanka ka dhiibtay aragtooda la xidhiidha barmaamijka xisbigu ugu talogalay waxbarashada Somaliland oo ay si wayn u soo dhaweeyeen.


Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Caddaaadda Md. Axmed Faarax Cadarre oo soo gunnaanaday kulankaasi, ayaa soo dhaweeyey qorshayaasha dhanka waxbarashada ee xisbiga KULMIYE ugu talogalay waxbarashada, kaasi oo uu sheegay inuu ka mid yahay barmaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga oo uu ku tilmaamay mid ku salaysan horumarinta iyo waxqabadka baaxad leh oo la gaadhsiiyo waddanka.

KULMIYE on Flickr