Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Deegaanka Coodanle Lagu Soo Dhaweeyey+Sawirro

Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Deegaanka Coodanle Lagu Soo Dhaweeyey+Sawirro

Coodanle – (Xisbiga KULMIYE)-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminnayo, ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyey magaalada Coodanle oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo ka tirsan shacabka deggen halkaas.


Madaxda deegaanka Coodanle, cuqaasha, salaadiinta, haweenka, dhallinyarada, aqoon yahanka iyo haweenka, ayaa halkaas si heer sarraysa ugu soo dhaweeyey guddoomiyaha iyo waftigiisa, waxana lagu gelbiyey noocyada kala duwan ee gammaanka oo uu deegaankaasi caan ku yahay, waxana hadallo soo dhaweyn u badan jeediyey maamulka gobolka Buuhoodle oo ay ugu horreeyaan guddoomiyaha iyo gobolka iyo weliba guddoomiyaha degmada Qorilugud.
Qaar kamid ah cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka Coodanle oo halkaas ka hadlay, ayaa u mahadnaqay guddoomiyaha iyo waftigiisa, waxana ay ugu bushaareeyeen in deegaanka Coodanle si kal iyo laab ah u taageersan yahay xisbiga KULMIIYE.
Wasiirrada wasaaradaha warfaa

finta iyo Hawlaha guud Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani) iyo Cali Xasan Maxamed(Cali-marreexaan), waxana ay dadweynaha reer Coodanle uga mahadnaqeen hab-maamuuska sarreeya ee ay kusoo dhaweeyeen, waxana ay tilmaameen in taageerada ay muujiyeen yididiilo weyn gelinayso hoggaanka xisbiga oo halgan ugu jira sidii uu xisbigu talada dalka mar kale u haaneedi lahaa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hadal qiimo badan u jeediyey dadweynaha reer Coodanle, ayaa si weyn uga mahad celiyey taageerada iyo soo weynta qiimaha leh ee ay waftiga uu hoggaaminayo ku qaabileen, waxana sheegay inay coodanle kamid tahay meelaha uu sida gaarka ah xisbiga KULMIYE ugu xisaabtamo.

KULMIYE on Flickr