Guddoomiyaha KULMIYE oo shacabka Tacsiyadeeyey Muwaadin Daad ku Qaaday Dooxa Agamsaha Caawa

Guddoomiyaha KULMIYE oo shacabka Tacsiyadeeyey Muwaadin Daad ku Qaaday Dooxa Agamsaha Caawa

07 Sep 2017
TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Aadan Yuusuf oo geeriyooday kadib markii baabuur uu waday daad (biyo roob) ku qaaday dooxa Arabsiyo ee duleedka magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley caawa oo taariikhdu tahay 07/09/2017.

Guddoomiyuhu waxa uu Murxuumkaasi Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, qoyska, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo iimaan ka siiyo, caafimaad buuxana uu siiyo ciddii kale ee wax ku noqotay shilkaasi. Aamiin…Aamiin.

Waxa kaloo uu shacabka ku waaninayaa inay ka taxadiraan socodka jidadka isku xidha magaalooyinka dalka iyo ka gudbidda dooxyada xilligan roobabku da’ayaan.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

KULMIYE on Flickr