Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Caaqil Maxamed Daroor iyo Oday Xuseen Jaamac

Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Caaqil Maxamed Daroor iyo Oday Xuseen Jaamac

26 August 2017
TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Maxamed Daroor Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Caynabo maanta oo taariikhdu tahay 26/08/2017.

Marxuum Chief Caaqil Maxamed Daroor Ducaale waxa uu ka mid ahaa madaxdhaqameedka waawayn ee Somaliland, waxaannu door muhiim ah ka soo qaatay nabadayntii iyo dhismihii ciidammada dalka gaar ahaan kuwa Booliska.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Jaamac Guuleed oo isna ku geeriyooday Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 26/08/2017. Geerida Marxuum Xuseen Jaamac Guuleed waxa uu Guddoomiyuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac oo Marxuumku aabbihii ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu labadaas Marxuum oo geeriyooday maalmo khayr leh uu Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

KULMIYE on Flickr