Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Hadlay Dhamaystirka Diiwaangelinta, Qabsoomidda Doorashada, Xisbiyada iyo Nabadda Gobollada Bari

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Hadlay Dhamaystirka Diiwaangelinta, Qabsoomidda Doorashada, Xisbiyada iyo Nabadda Gobollada Bari

Hargeysa (Warbaahinta KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa khubad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xaflad ballaadhan oo gunnaanad Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland ee laga hirgeliyey dhammaan gobollada dalka oo dhammaatay.

Xafladda loo sameeyey guusha dhammaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, madaxda axsaabta qaranka, wasiirro xukuumadda ka tirsan, Guddiga Doorashooyinka Qaranka, wakiillo ka socday qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland taageera iyo shacab fara badan.

Haddaba, khudbadda Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan;

Guddiga Doorashooyinka aad iyo aad baan u hambalyeynayaa iyaga inta la shaqaysayba, waxaanad na tusteen kalsooni ah inaad doorasho qaban kartaan oo dad muddakar ah oo xilkooda kasoo baxay tihiin aad iyo aad baad u mahadsan tihiin. Waxaan ku darayaa inaynu u diyaar garowno doorashadii oo aad doorashadaas u qabataan si caddaaladi ku jirto oo had goor mucaaridku way iska shaki badan yihiin ay walaalaheena mucaarid iyo muxaafidba iimaansadaan.

Waxaan u mahadnaqayaa intii is-diiwaangelisay, intii ka qaybqaadatay hirgelinta diiwaangelinta, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa ciidammada Qaranka oo suurtogaliyey in diiwaangelintu ka qabsoonto guud ahaan xuduudka Somaliland.

KULMIYE on Flickr