Guddoomiyaha KULMIYE oo Faahfaahiyey Qorshayaasha uu Doonayo inuu ku Horumariyo Dalka Somaliland

Guddoomiyaha KULMIYE oo Faahfaahiyey Qorshayaasha uu Doonayo inuu ku Horumariyo Dalka Somaliland

Birmingham (Warbaahinta xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahiyey qorshayaashiisa uu ku doonayo inuu ku horumariyo dalka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa sidaasi ku sheegay khubad qiimo badan uu ka jeediyey xaflad ballaadhan oo jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Birmingham ee dalka Ingiriisku ku soo dhawaynayeen xalay (05/10/2016).

Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska, kuna wehelinayeen Guddoomiyaha KULMIYE wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Qorshaynta Qaranka, Caafimaadka, Xannaanada Xoolaha iyo Xidhiidhka Golayaasha Qaranka, kuwaas oo dhammaantood qayb ka ah wefti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqasho ku jooga dalka Ingiriiska.

Haddaba, khudbadda oo Guddoomiyuhu diirrada ku saaray qorshaha xisbiga KULMIYE uu ku galayo doorashada Madaxtooyada si uu ugu guulaysto mar labaad waxay u dhignayd sidan;

KULMIYE on Flickr