Guddoomiyaha KULMIYE iyo Weftigiisii oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyey Caasimadda Hargeysa oo uu ku soo Laabtay

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Weftigiisii oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyey Caasimadda Hargeysa oo uu ku soo Laabtay

Hargeysa (Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa galabta oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kadib markii ay ka soo laabteen socdaal qaatay muddo laba toddobaad ah oo uu ugu maqnaa Gobolka Togdheer.

Kumannaan dadweynaha ah ayaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi kagaga hortagay bariga magaalada illaa deegaanka Aw-barkhadle, halkaasi oo ay ku qaabileen Guddoomiyaha iyo weftigiisa.

Deegaanka Aw Barkhadle oo ay kaga hor tageen boqollaal kamid ah shacabka deegaankaas iyo kuwa Caasimadda Hargeysa iyo haldoor kale oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Barre, Badhasaabka iyo Maayarka caasimadda Hargeysa iyo xubno iyo xubno magac leh oo kasoo jeeda gobolka Maroodi-jeex.

Intaas kadibna waftiga murrashaxa KULMIYE iyo waftigiisu waxa ay soo gaadheen goob u dhaxaysa deegaanka Burcada yar iyo tuuladda Halleeya, halkaas oo ay ku qaabileen kumanaan kamid ah daweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa iyo saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isugu tageen, uguna diyaar garoobeen soo dhaweynta waftiga, halkaas oos lagu diyaariyey gaadhi si farshaxamaysan loo habeeyey oo loogu talo galay inuu guddoomiyuhu kala hadlo shacabkii soo dhaweeyey.

Maayarka caasimadda, badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo xogyaha guud ee KULMIYE, wasiirka Hawlaha guud Md. Cali Xasan Maxamed Xasan(Cali-marreexaan) oo khudbado ka jeediyey madasha, ayaa ugu mahadceliyey shacabka reer Hargeysa sida meeqaamka sare leh ee ay usoo dhaweeyeen guddoomiyaha iyo waftigiisa, waxana ay  tilmaameen miisaanka taageero ee soo dhaweyntoodu muujinayso.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha KULMIIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad kooban oo uu halkaas ka jeediyey ugaga mahadceliyey shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa sida hagar la’aanta ah ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisaba, waxana uu uga xog-warramay safarkiisii shaqo ee uu ugu maqnaa gobolka Togdheer iyo natiijada uu kala soo noqday, isaga oo u hogo-tusaaleeyey in bulshada reer Somaliland ee uu kula soo kulmay in ka badan afartan magaalo oo ku kala yaallo gobollada Togdheer iyo Saaxil ay ka sinnaayeen taageerada xisbiga KULMIYE.

Waxaanna Guddoomiyaha iyo weftigiisa waxa loo gelibiyey gudaha magaalada Hargeysa, iyada oo ay horkacayeen boqolaal baabuur oo lagu sharxay astaanta xisbiga KULMIYE oo ay wateen taageerayaasha KULMIYE ilaa laga gaadhsiiyey hoyga u ka deggen yahay caasimadda Hargeysa.

KULMIYE on Flickr