Guddoomiyaha KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex oo Xilal cusub u Magacaabay Maamulka Degmada 31 May ee Xisbiga

Guddoomiyaha KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex oo Xilal cusub u Magacaabay Maamulka Degmada 31 May ee Xisbiga

saxaafadeed Date: 18/09/2017

 

Ku: Xubnaha maamulka Gobolka iyo degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE = Hargiesa =
OG: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE = Hargiesa =
OG: Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa =
OG: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

Ujeeddo: Magacaabis Xilal Maamulka Degmada 31 ee Maroodi-jeex

 

Markaan arkay muhiimadda ay magcaabistoodu u leedahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga KULMIYE,
Markaan ku qancay kartidooda iyo aqoontooda maamulnwaxaan maanta oo ay bishu tahay 18 September, 2017 u magacaabay xubnaha hoos ku qoran inay noqdaan hawl-wadeenada degmada 31 May ee Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE.

 
1. Maxamed Axmed Cabdi inuu noqdo Guddoomiyaha Degmada 31-ka May ee Xisbiga KULMIYE;
2. Mustafe Maxamed Jaamac inuu noqdo Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta xisbiga KULMIYE ee degmada 31 May ee Maroodi-jeex.
3. Maxamed Cabdi Yuusuf inuu noqdo Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee degmada 31 May;
4. Axmed Cabdi Ibraahim – Xoghayaha xisbiga KULMIYE ee Degmada 31 May.
5. Xaawa Gaas Muxumed – Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka degmada 31 May ee xisbiga KULMIYE
6. Fadxiya Yuusuf Muxumed – Xoghayaha Garabka Haweenka 31 May ee xisbiga KULMIYE.
ALLAA MAHAD LEH.

Maxamed Iid Dhimbiil
_________________________________
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE

KULMIYE on Flickr