Garabka Haweenka KULMIYE oo Xafiisyo Cusub Ka Furtay Degmada Axmed Dhagax

Garabka Haweenka KULMIYE oo Xafiisyo Cusub Ka Furtay Degmada Axmed Dhagax

Hargeysa(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar, ayaa xadhigga ka jartay xafiis cusub oo garabka haweenku ku yeelan doono degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda xadhig ka-jarista xafiiska cusub, ayaa wax aka qaybgalay guddoomiyaha garabka haweenka KULMIYE ee heer qaran marwo Canab Cumar Ileeye, xubno kamid ah hoggaanka garabka haweenka, madaxa hay’adda samofalka madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, masuuliyiinta garabka haweenka u qaabilsan degmada Axmed Dhagax iyo taageerayaal tiro badan oo uu xisbigu ku leeyahay degmada Axmed Dhagax, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu sharraxayo asbaabta xafiiska loo furay iyo shaqooyinka lagu qaban doono.


Ugu horrayn xubno kamid ah masuuliyiinta xisbiga ee degmada Axmed Dhagax oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay degmo ahaan diyar u yihiin sidii ay xisbiga ula shaqayn lahaayeen, iyaga oo shaaca ka qaaday in xafiisku u furan yahay taageerayaasha xisbiga ee degmada.


Marwo Umalkhayr Qardhab oo kamid ah xubnaha firfircoon ee xisbiga KULMIYE oo munaasibadda hadal kooban ka jeedisay, ayaa shacabka degmada Axmed Dhagax ku bogaadisay inay dardargeliyaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE, isla markaana wixii hawlo ah ee ay u baahdaan ay xafiiska ku qabsan karaan.


Marwo Sitiin oo iyaduna kamid ah saraakiisha garabka haweenka KULMIYE, ayaa iyaduna bogaadisay tallaabada uu xisbigu xafiisyada kaga furtay degmada Axmed Dhagax, waxana ay u mahadcelisay wasiirka qorshaynta qaranka Md. Maxamed Ibraahim Qabo oo isagu xafiiska qalabeeyey.


Agaasimaha samo-falka madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa iyaguna shacabka degmada Axmed Dhagax u sharraxday doorkii lama ilaawaanka ahaa ee ay KULMIYE ku lahaayeen, waxana ay sheegtay inay shacabkaasi yihiin astaan xisbiga KULMIYE lagu garto.


Guddoomiye ku-xigeenka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga marwo Dalays Shire Faarax, ayaa gebi ahaanba shacabka reer Axmed Dhagax ugu bushaaraysay inuu xafiiskani u furan yahay, waxana ay ku bogaadisay inay kor u qaadaan taageeradii ay xibsiga KULMIYE ku lahaan jireen.


Guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, ayaa isaguna ku dheeraaday xidhiidhka wanaagsan ee xisbiga KULMIYE iyo degmada Axmed Dhagax ka dhexeeya, waxana uu sheegay inay reer Axmed Dhagax dhiiggii iyo dheecaankii KULMIYE yihiiin.


Guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE marwo Canab Cumar Ileeye oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa xustay inuu xisbiga KULMIYE muhiimad gaar ah siinayo degmada Axmed Dhagax iyo dadweynaha ku dhaqan, isla markaana taageerayaasha xisbiga ee degmadu yihiin qaar uu xisbigu ku xisaabtamayo.

KULMIYE on Flickr