Dhallinyaradii ugu Badnaa ee Kooxaha Kubadda Cagta Laascaanood oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE

Dhallinyaradii ugu Badnaa ee Kooxaha Kubadda Cagta Laascaanood oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE

Laascaanood (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Dhallinyaradii ugu tirada badnayd ee ka tirsan kooxaha Kubadda Cagta ee magaalada Laascaanood, ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbiga KULMIYE.

 
Toddobo kooxaha kubadda cagta ee Laascaanood, ayaa ku biiray xisbiga KULMIYE, waxaanna xaflad ballaadhan oo loogu qabtay magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ka shaqaynayey ololihii xisbiga ee gobolka.

 


Dhlinyaradan oo ka hadlay madasha loogu xafladeeyey waxay ka hadleen waxyaabaha ku kellifay inay la midoobaan xisbiga KULMIYE, kana tagaan xisbiga WADDANI oo ay hore u taageeri jireen, waxaanay isku raaceen inay siyaasad xumo iyo hoggaamin xumo uga baxeen WADDANI, halka ay xisbiga KULMIYE ku doorteen waxqabadka uu ka sameeyey Gobolka muddadii hore ee uu xilka hayey iyo barmaamijkiisa cusub ee uu doorashada ku galay.

KULMIYE on Flickr