Dhallinyarada iyo Waxgaradka Beesha Gaashaanbuur (Ciidagale) oo Taageeray Xibiga KULMIYE

Dhallinyarada iyo Waxgaradka Beesha Gaashaanbuur (Ciidagale) oo Taageeray Xibiga KULMIYE

Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Dhallinyarada iyo waxgaradka beesha Gaashaanbuur (Ciidagale) ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa si mug iyo miisaan leh u taageeray xisbul-xaakika Somaliland ee KULMIYE.

Munaasibad taageero oo ka dhacday huteelka Ramad ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin; Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada Md. Cumar Cabdillaahi (Cumar-sayid), Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-najax Siyaad, cuqaal, aqoonyahan, waxgarad iyo dhallinyaro fara badan, ayaa laga shaaciyey taageerada baaxadda leh ee dhallinyarada iyo dadweynaha deegaankuba u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi.


Xubno ka mid ah dhallinyarada, aqonyahan iyo waxgarad ay ka mid yihiin; Chief Caaqil Xasan Badmaax Maygaag, Chief Caaqil Cabdiwali Jaamac Cabdi, Caaqil Muxumed Maxamed Cabdi Xaashi, Caaqil Jaamac Muuse Yuusuf, Gudoomiyaha Beesha Gaashaanbuur Maxamed Cismaan Gaydh, Oday Siciid Cabdilaahi iyo xubno kale oo halkaasi hadallo ka jeediyey ayaa dhammaantood isku raacay inay taageero hiil iyo hooba leh isla garabtaagayaan Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi.


Masuuliyiin kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Agaasimaha Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Cumar Cabdilaahi (Cumar-Sayid) iyo Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee KULMIYE Md. Cabdi-Najax Siyaad Aw Cabdi, ayaa iyaguna khudbado ay xafladda ka jeediyeen uga mahadnaqay dhallinyarada iyo waxgaradka kale ee taageerada wayn siiyey xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha, waxaanay ka warrameen waxqabadka xukuumadda KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo gaadhsiisay dalka iyo hiigsiga murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi doonayo inuu ku hoggaamiyo qaranka oo ah mid salka ku haysa qorshe cad iyo aragti siyaasad qoto dheer leh.

KULMIYE on Flickr