Bulshada Degmada Widhwidh oo Taageertay KULMIYE iyo Xisbiga oo Xafiisyo ka Furtay

Bulshada Degmada Widhwidh oo Taageertay KULMIYE iyo Xisbiga oo Xafiisyo ka Furtay

Widhwidh (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Bulshada ku dhaqan degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa taageero buuxda la barbarjoogsatay xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

Qaybaha bulshada degmada Widhwidh ee waxgaradka, odayaasha, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan haldoorka deegaankaasi oo isugu soo baxay xaflado xisbiga KULMIYE lix xafiis kaga furtay degmada Widhwidh maanta, ayaa hadallo ay ka jeediyeen waxay isku raaceen inay si buuxda u taageersan yihiin xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, iyagoo isku raacay in murrashaxa Madxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi uu yahay hoggaamiyaha ugu mudan ee madaxweynenimada dalka dalka lagu aamini karo, taa beddelkeedana waxay xisbiga WADDANI ku tilmaameen inuu yahay mid qorshihiisu yahay burburinta horumarka Somaliland gaadhay.


Sidaasi darteed, dadweynaha degmada Widhwidh waxay caddeeyeen inay codkooda ugu hiilin doonaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

KULMIYE on Flickr