Bulshada Deegaannada Hallaya ilaa Sallaxlay ee Maroodi-jeex oo si Buuxda u Taageeray Murrashax Muuse Biixi

Bulshada Deegaannada Hallaya ilaa Sallaxlay ee Maroodi-jeex oo si Buuxda u Taageeray Murrashax Muuse Biixi

Hargeysa (Warbaahinta xisbiga KULMIYE)- Madaxdhaqameedka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhallinyarada shacabka dega deegaamada Hallaya, Maygaagta ilaa degmada Sallaxlay (Beesha Bahadhamal) ee Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, ayaa si buuxda u taageeray xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi.


Kulan casuumad qado ah oo ka dhacay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta oo ay ka qaybgaleen madaxdhaqameed, gaar ahaan dhammaan cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo dhallinyarada beesha Bahadhamal (Ciidagale), iyadoo xubnaha madasha joogay ay ka mid yihiin Ex Wasiir ama qoraa Rashiid Xaaji Cabdillaahi, Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo, Guddoomiyaha Baanka Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobale), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Cumar Cabdillaahi, waxay taageero wayn oo aanay u kala hadhin ugu muujiyeen murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka qaybgalay casuumadda isagoo ay wehelinayeen siyaasiyiin xisbiga ka tirsan oo ay ka mid yihiin; Axmed Muumin Seed, Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.


Xubno kala duwan oo cuqaal, waxgarad, dhallinyaro iyo odayaal ka mid ah kuwa ka qaybgalay kulanka, ayaa hadallo ay ka jeediyeen halkaasi ku shaaciyey taageerada ay goosteen inay la barbar-istaagaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, iyagoo si gaar ah u tilmaamay in sababta ugu wayn ee ay doonayaan inay codkooda u siiyaan murrashax Muuse Biixi tahay siyaasaddiisa oo ay ku qanceen iyo inay u arkeen inuu yahay murrashax cadaalad-soor u samayn kara bulshooyinka kala duwan ee Somaliland, maadaama uu yahay nin go’aan iyo ku dhac leh.


Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo siyaasiyiinta wehelinayey, ayaa iyaguna ka mahadceliyey taageerada ay waxgaradkani siiyeen oo ay ku tilmaameen inay tahay mid muhiimad iyo qiimo wayn ugu fadhida.

KULMIYE on Flickr