Ardayda Somaliland ee Dalka India Wax Ka Barata oo Xaflad iyo Ciyaar Kubadda Cagta ah Kusoo Dhaweysay Madaxweynaha cusub ee la Doortay

Ardayda Somaliland ee Dalka India Wax Ka Barata oo Xaflad iyo Ciyaar Kubadda Cagta ah Kusoo Dhaweysay Madaxweynaha cusub ee la Doortay

Haydarabaad(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Ardayda reer Somaliand ee wax ka barata dalka India, ayaa munaasibado kala duwan oo ay kusoo dhaweynayaan madaxweynaha cusub ee ay shacabka reer Somaliland doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici qabsaday.
Munaasibadaha kala duwan ee Ardayda reer Somaliland ee dalka India kusoo dhaweynayeen madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa, ayaa isugu jiray xaflad ballaadhan oo soo dhaweyn ah iyo ciyaar kubadda cagta ah oo dhexmartay laba kooxood oo kamid ah dhallinyarada Ardayda ah ee dalkaas wax ka barata, waxana ay muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin madaxweynaha cusub ee ay bulshadu codkeeda ku dooratay.

 


Ardayda reer Somaliland ee dalka India, ayaa iyaga oo aan u kala hadhin ka qaybgalay munaasibadda lagu soo dhaweynayey madaxweynaha cusub iyo ciyaarka kubadda cagta ah ee loogu dabbaaldegayey go’aanka ay bulshadu ku gaadhay inay madaxweyne Muuse Biixi iyo Cabdiramaan Saylici u cumaamaddo hoggaaminta dalka.

 


Hormoodka Ardayda iyo maamulkooda, ayaa ka qaybgalay munaasibadda, waxana madasha ka muuqatay farxad iyo rayn-rayn jawiga guud hadhaysay, iyada oo markii dambena ciyaar kubadda cagta ah oo dabbaaldegga qayb ka ahi dhexmartay laba kooxood oo katirsan Ardayda dalkaas wax ka barata ee Somaliland kasoo jeedda.

KULMIYE on Flickr