Guddida KULMIYE ee Toronto oo Bilaabay Hawlo la Isugu Diyaarinayo Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Guddida KULMIYE ee Toronto oo Bilaabay Hawlo la Isugu Diyaarinayo Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Toronto (Xisbiga KULMIYE)- Guddida xisbiga KULMIYE ee magaalada Toronto ee dalka Canada oo ka tirsan Woqooyiga Qaaradda Ameerika, ayaa bilaabay hawlo lagu dardar-gelinayo dedaalka loogu jiro in xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay ka qabsoonto Somaliland bisha November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay shir Guddida KULMIYE ee magaalada Toronto isugu yimaadeen maanta, kaasoo lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa hawlaha xisbiga talada haya, isla markaana lagu dhiirigelinayo dadka qurbo-joogga ah ee taageersan KULMIYE.
Waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Guddida xisbiga Horumarka iyo Diqmuraadiyadda ee KULMIYE ee heer waddan ee magaalada Toronto ee dalka Canada oo ka mid ah guddiyada ugu firfircoon laamaha dibadda ee xisbiga KULMIYE, waxa ay u heelan yihiin ka midho-dhalinta hadafka xisbiga KULMIYE. Waxay maalmahan qaadeen olole lagu dardar-galinayo habsami-u-socodka hawlaha xisbiga ee dalkan Canada, gaar ahaan magaalada Toronto oo aannu masuul ka nahay.
Saraakiisha Guddida KULMIYE ee magaalada Toronto waxa ka mid ah; Guddoomiyaha guddida ee Toronto Mr. Cilmi Ciise Gaboobe, guddoomiye-ku-xigeenka Mr. Ayaadi Ibraahim, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad marwo Itisaam Jaamac, Afhayeenka Guddida Toronto ee xisbiga KULMIYE Mr. Xasan Cumar Geeraare, Guddoomiyaha garabka haweenka ee Guddida KULMIYE ee magaalada Toronto marwo Faysa Muuse Xaaji Gaydh, Lacag hayaha guddida Mr. Cabdillaahi Sarifle, Xoghayaha guud ee guddida KULMIYE ee Toronto marwo Saynab Ibraahim, Guddoomiyaha Dhallinyarada ee Guddida KULMIYE ee Toronto Faysal Maxamed Yuusuf.
Xubnaha kale ee Guddida xisbiga KULMIYE ee magaalada Toronto ee dalka Canada, waxa ka mid ah; Cabdalla Xaaji Cabdi, Xirsi Isamaciil Aadan, Cabdillaahi Baaruud, Khaalid Juuq-dhawr, Ismaaciil Sheekh iyo Filsan Cabdiraxmaan.
Waxa kaloo ay Guddida xisbiga KULMIYE ee magaalada Toronto ugu baaqaayaan taageerayaasha KULMIYE ee magaalooyinka kala duwan ee dalka Canada iyo Guud ahaaan degaannada Woqooyiga Ameerika inay isku diyaariyaan sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha xisbiga KULMIYE, maadaama ay soo dhawdahay doorashada Madaxtooyada ee ka qabsoomaysa dalka Jamhuuriyadda Somaliland 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.

KULMIYE on Flickr