Xisbiga KULMIYE oo u Xafladeeyey Midowga Dhexmaray Garabkii Toosinta iyo Caddaaladda WADDANI

Xisbiga KULMIYE oo u Xafladeeyey Midowga Dhexmaray Garabkii Toosinta iyo Caddaaladda WADDANI

Xisbiga KULMIYE oo u Xafladeeyey Midowga Dhexmaray Garabkii Toosinta iyo Caddaaladda WADDANI

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga KULMIYE, ayaa u xafladeeyey Garabkii Toosinta iyo Caddaaladda ee WADDANI ee uu hoggaamiyey Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo si rasmi ah ula midoobay.

Xafladda midowga labada dhinac oo ka dhacday huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Marwada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Maxamuud Jirde, xubno wasiirro ah, hoggaanka xubnaha garabka Toosinta iyo Caddaaladda, taageerayaal tiro badan iyo marti sharaf kale.

Xubno siyaasiyiin ah oo isugu jira hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo saraakiisha garabka Toosinta iyo caddaaladda ee xisbiga ee KULMIYE la midoobay oo halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin midowga cududda cusub ee xisbiga KULMIYE yeeshay, waxana ay tilmaameen inay taasi guusha xisbiga wax badan ka tari doonto.

Xoghayihii hore ee ciyaaraha xisbiga WADDANI Marwo Rooda Cabdi Muuse, Afhayeenkii garabka Toosinta iyo caddaaladda Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee hore ee WADDANI Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdille oo madasha ka hadlay, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin midowga labada dhinac.

Guddoomiyaha Garabka Toosinta iyo Caddaaladda Md. Axmed Muumin Seed, ayaa isaguna sharraxay nooca hoggaamineed ee ay Somaliland u baahan tahay, isaga oo xusay inuu Guddoomiye Muuse Biixi yahay shakhsi ay Somaliland u baahan tahay maanta, waxaannu yidhi, “Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiye daacad ah oo aan mus-dambeed lahayn oo ay taladu isaga ka go’ayso, kaasina waa Muuse Biixi Cabdi, marxaladda aynu maanta ku jirnana waxaynu u baahanay madaxweyne innaga saari kara, laga bilaabo maantana waxaannu ka midaysanahay inaynu Madaxweyne u doorano oo aynu dhisno Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay Somaliland u baahan tahay.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha soo afmeeray, ayaa sheegay inuu KULMIYE astaan u yahay midnimada Somaliland iyo ku dhaqanka sharciga, isla markaana talada la wada leeyahay oo la is dhegaysto, waxaannu yidhi, “Qof kasta oo hore KULMIYE u ahaaba waxa waajib ku ah inuu qalbiga furo oo uu soo dhaweeyo dadka innagu soo biiraya ee kooxda maanta ina horjoogta iyo kuwa iman doonaba, waana u mahadnaqaynaa abaalna waanu ugu haynaa, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inaynu noqono dad wadatashada oo meel wax wada dhiga, KULMIYE-na waxaad igu imanaysaa oo noo aragti ah oo noo siyaasi ah inay Somaliland mid tahay oo ay ku dhaqanto sharciga iyo distoorka oo ay talo-wadaag leedahay oo uu qof waliba karitidiisa iyo aqoontiisa ku gaadho yoolkiisa oo aan lagu gaadhin KULMIYE dhexdiisa qaraabo-kiil iyo hebel jeclaysi.”

 

KULMIYE on Flickr