Press releases

Suuqsade(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Suuqsade oo hoos timaadda degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil. Murrashax Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo kusoo maray deegaankaas, ayaa waxa caleemo qoyan iyo calanka astaanta u ah xisbiga KULMIYE kusoo dhaweeyey kumanaan kamid ah shacabka deegaanka Suuqsade oo u heellan aragtida guddoomiyaha KULMIYE, isla markaana la dhacsan xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay hormood u yihiin siyaasiyiin, xildhibaanno, haween, dhallinyaro, waayeel iyo waxgarad. Booqasadha murrashaxa, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, cuqaal, aqoonyahan iyo xubno kale, waxana dadweynaha deegaanka Suuqsade kaga hortageen goob ka baxsan magaalada, iyaga oo markii dambena u galbiyey madal si farshaxan leh loogu shaqlay calanka xisbiga KULMIYE iyo sawirrada murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxana halkaas kala hadlay xubnaha wefiga iyo waliba siyaasiyiin iyo aqoonyahan deegaankaas kasoo jeeda oo ay hor kacayeen guddoomiye Cabdishakuur Maxamuud Ciddin iyo siyaasi Jamaal Cali Xuseen. Ugu horrayn xubno siyaasiyiin ah oo ay kamid yihiin maayarka degmada Sheekh Md.Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye iyo maayarka degmada Berbera Md. Cabdishakuuur Maxamuud Ciddin oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn usoo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxana ay ka mahadnaqeen booqashada deegaankaas lagu tegay ee uu murrashaxa xisbigu ku xogwaraystay xaaladda guud ee deegaanka, iyaga oo dadweynahana ugu baaqay inay codkooda la garab galaan xisbiga KULMIYE. Haween kasoo jeeda deegaanka oo ay kamid yihiin Marwo Rooda Axmed Yaasiin iyo marwo Raxma Cali Shabeel oo hadal kooban halkaas ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey murrashaxa iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay shaaciyeen in dadweynaha deegaankaasi ka siman yihiin taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa. Dr. Axmed Saleebaan Jaamac (Shiine), Eng. Maxamed Cabdi Qarbooshe, xildhibaan Dayib Xasan Boobe iyo guddoomiyaha gobolka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo hadallo kooban u jeediyey dadweynihii madasha ku sugnaa, ayaa murrashaxa iyo weftigiisa ku hambalyeeyey sida ay muhiimadda u siinayaan deegaanka Suuqsade, iyaga oo dadweynahana kula dardmaarmay inay codkooda iyo cududoodaba la garab galaan xisbiga KULMIYE. Caaqilka guud ee deegaanka Caaqil Saleebaan Hadoodil, Suldaan Sayid Aw Jaamac iyo guddoomiyaha Awal Bari Md.Cabdilaahi Maxamuud Aw Cabdiraxmaan ayaa iyaguna guddoomiye Muuse Biixi Cabdi uga mahadceliyey sida lexejeclada leh ee usoo booqday deegaanka iyo sida daacadnimadu ku jirto ee uu xaaladda dadka iyo duunyadaba ugu guurgelayo. Siyaasiyiin iyo haldoor kale oo kamid ah xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin Jamaal Cali Xuseen, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) iyo Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey dadweynaha reer Suuqsade sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay usoo dhaweeyeen weftiga, waxana ay ku boorriyeen inay maanka ku hayaan guulaha waxqabad ee uu xisbigu ku tallaabsaday muddadii uu xukunka hayey, isla markaana ay xil gaar ah iska saaraan sidii uu talada dalka mar labaad u qaban lahaa. Murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hadal kooban jeediyey, ayaa ka dareen celiyey soo dhaweynta toolmoon ee ay dadweynaha deegaanka suuqsade ku qaabileen, waxana uu maamulka deegaanka iyo shacabkaba uga mahadnaqay sida ay cududooda oo midaysan ugu muujiyeen taageerada ay xisbiga KULMIYE u hayaan, iyada oo guddoomiyuhuna si mug leh uga mahadceliyey gaadhi cusub oo uu sarkaal degmada kasoo jeedaa xisbiga KULMIYE ugu deeqay. Ugu dambayntii Murrashax Muuse Biixi iyo weftigiisu waxa ay shacabka reer Suuqsade la wadaageen hadhimo-sharafeed lagu maamuusay, waxana masuuliyiinta xisbiga iyo dadweynaha deegaanka dhexmaray kaftan iyo sheeko wadaag saacado qaatay.