Saadaashu waa khayr!!

Saadaashu waa khayr!!

Saadaashu waa khayr!!

Qore Khadar Ibrahim

[email protected]

 

Guddoomiyaha KULMIYE oo Fagaare kaga Jawaabay Su’aalo ay Weydiiyeen Aqoonyahan ka Tirsan Jaamacadda Hargeysa

 

Hargeysa:(warbaahinta KULMIYE)-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa fagaare kaga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen aqoonyahan ka qallinjabiyey jaamacadda Hargeysa.

Ugu horrayn, Guddoomiyaha oo la waydiiyey su’aal ku saabsanayd inuu soo celin doono awoodda hay’adda Aafooyinka Qaranka ee NERAD oo ay hadda la wareegeen guddiyo abaaraha ka shaqaynaya oo lacago ururin ku hawllan, waxa uu ku jawaabay, “Hay’adda NERAD awoodeedii lagama qaadin, waxaanay ahayd inay soo sugto xogta iyo sahaminta iyo waxa loo baahan yahay in laga qabto hadba abaarta jirta, laakiin ma jirto dhaqaale buuran ay dawladdu keligeed kaga bixi karto abaarta, tamartii xukuumadda iyo NERAD oo ka tirsan way ka waynaatay abaartu oo waxa ay u baahatay in qaranka oo dhammi isugu tago muxaafad, mucaarad, ganacsatado, culimo iyo shacabka oo dhan, si ay daa-furnaani u abuuranto ayeynu guddidan abaaraha u abuuranay, laakiin waxyaabaha aynu ka barangay abaartan waxxa ka mid ah oo dawlad walba oo timaadaana ay fulin doontaa ay khasab tahay oo ay muhiim tahay inaynu yeelanto keyd dhaqaale iyo mid farsamo oo abaarta lagaga hortago, imikana waxa lagu socdaa waa hoggaaminta NERAD,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Su’aal kale oo ku saabsanayd inuu guddoomiyuhu diyaarin doono xeerarkii iyo sharciyadii lagu soo dooran lahaa Golaha Guurtida oo muddo dheer aan cidi beddelin, ayuu iyadana guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabayey waxa uu yidhi, “Arrinta Guurtida distooriyan bay u baahan tahay in dib loo eego, waayo ilaa hadda lagama heshiis sida loo doorto Guurtida, waana dhaxal, dimuqraaddiyad iyo dhaxalna isma qabtaan, waana su’aal inoo taalla, sidoo kale waxyaabaha ee caqabadaha u baahan in la hagaajiyo dastuurka dadka laga sugayo inay soo bilaabaan oo aqoon ku dhisaan oo ay ka ololeeyaan waa aqoonyahanka jaamacadaha oo aad kow ka tihiin idinku, laakiin haddii aad aqoontiina meel la fadhidaan oo aydaan waxba ku abaabulin sidee wax loo saxayaa? Markaa waa arrin qaran in dastuurkeenna dib loo eego iyo shuruucdeenna kale oo aynu wax-ka-beddel ku samayno meelo badan oo ay ka mid tahay Guurtidu.”

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu sheegay inay qorshaha ugu jirto haddii la doorto inuu soo dhiso xukuumadda tiro yar, balse waxa uu tilmaamay in dhibaatada mar walba tirada wasiirrada xukuumadaha Somaliland ay tahay shacabka oo wada doonaya inay ka dhex muuqdaan, waxaannu ku boorriyey aqoonyahanka jaamacadaha inay barbar-istaagaan si uu u hirgeliyo xukuumad tiro yar.

“Xukuumadda yaree iyo badi labadaaba adiga ayuun baa khasbaya, dadka codeeyaa marka hore ilaa dawladdii Cabdiraxmaan Tuur, tii Cigaal iyo mid walba waxay yidhaahdaa dawlad kooban oo tayo leh baa loo baahanyahay, markaad dhisto isla dadkii codeeyey waxay leeyihiin dawladda cid ha naloogu daro, kana ha naloogu daro. Markaa idinka caawa mid ii saxeexa oo ah, shacabka ku soo doortay ha dhegaysan oo ha maqline wax walba maya dheh iyo dadka ogolow oo dhegayso. Runtiina waad dhegaysanayaa shacabku wuxuu doonayo, xaaladda dalkeenu ku jirno ayaa madaxweyne walba jiidhsiinaysa oo ku khasbaysa, waayo madaxweyne ummaddiisa oo dhan leedahay dhaqaaji, haddaad eegto madaxweynayaashii hore oo dhami 16 iyo 17 ayey ka bilaabeen golaha wasiirradooda, laakiin markii dambe way ka wada bateen, waxa weeye dadkeenu sidan ay kula doonayaan ayaanay kula wadayn goordhaw, laakiin haddaad ii ballanqaadaan inaad tidhaahdaan ha maqlin dadka ee annagaa ku hortaagan oo aad tol ii noqontaan aniguna waan adkaysanayaa oo taas ayaan u baahanahay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey inuu yarayn doono tirada golihiisa wasiirrada haddii loo doorto Madaxweynenimo.

KULMIYE on Flickr