Shirweynihii Garabka Dhallinyarada

Shirweynihii Garabka Dhallinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga KULMIYE Oo La Soo Gabo-Gabeeyey

Hargeysa:(warbaahinta KULMIYE)-Shirweynihii garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE oo muddo laba maalmood ah ka socday Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxana ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud Siilaanyo, guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, saraakiil xisbiga katirsan, wasiirro, ergooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka ka socday iyo marti sharaf kale.

Shirweynahan oo intii uu socday lagu soo bandhigay falanqayn iyo doodo ku saabsan siyaasadda xisbiga ee da’yarta, hiigsiga iyo dariiqyada horumarka ee dhallinyarada iyo weliba qorshayaasha mustaqbalka guud ahaan Somaliland ee KULMIYE bartilmaameedsanayo, kuwaas oo si wayn ay uga qaybqaateen masuuliyiinta, aqoonyahanka iyo ka qaybgalayaashuba.

Aqoonyahanno uu ka mid yahay Maxamed Cali Bile oo isagu caan ku ah guubaabinta dhallinyarada iyo bixinta duruus qiimo badan oo da’yarta muhiim ah, ayaa shirka ku soo bandhigay mowduuqyo si cilmiyeysan ay ugu falanqeeyeen doorka dhallinyarada ka qaadato horumarinta iyo jihaynta ummaddaha iyo sida ay muhiimka u tahay inay qayb ka noqdaan go’aamada masiiriga ee dalka lagu maamulo.

Xubno tiro badan oo gunaanadka shirweynaha ka hadlay oo uu kamid yahay Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa ka sheekeeyey marxaladihii ay soo mareen dhallinyarada reer Somaliland iyo weliba sidii loo dhisay fikirkooda, waxana ay tilmaameen in hoggaanka KULMIYE yihiin kuwii dejiyey afkaarta uu ku duulo xisbigu iyo weliba kuwa qaranku ku taagan yahay oo loo qoondeeyey inay jiilalka soo socdaa dhaxlaan midhihiisa.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo gunaanadka shirkan ka hadlay, ayaa dhallinyarada kulla ballamay sidii ummadda loo midayn lahaa, isla markaana meesha looga saari lahaa kala qoqobnaanta iyo qabyaalladda oo uu KULMIYE u arko caqabadda ugu weyn ee da’yarta hor taagan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo shirweynahan soo xidhay, ayaa si weyn u hambalyeeyey dhallinyarada soo qabanqaabisay iyo ergooyinka ka qaybgalayaba shirweynahan, waxaannu uu kula dardaarmay dhallinyarada in muhiimad gaar ah la siiyo wax wada-lahaanshaha iyo midnimada, waxaannu yidhi, “Waxa inoo ballan ah inaynu dad iyo dal mid ah dhisno oo aynu himiladeena aynu hiigsanayno wada gaadhno oo aynu noqono dad u wada heegan sidii uu qarankani halka uu doonayo u gaadhi lahaa.”

KULMIYE on Flickr