C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici)

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici)

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil( Saylici) waa madaxeyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Soomaalilaan waana musharraxa Madax-weyne ku xigeenka JSL ee Xisbiga KULMIYE waxa uu ku dhashay Magaalada Saylac sannadkii 1956-dii.

Malcaamad Qur’aanka wuxuu ka bilaabay magaalada Saylac. Waxa uu dugsigii hoose/dhexe ku qaatay magaalooyinka Saylac iyo Boorama intii u dhaxaysay 1967 illaa 1975-tii. Waxbarashadiisii dugsiga sare wuxuu ku qaatay magaalada Hargeysa gaar ahaan dugsigii Farsamada Gacanta intii u dhaxaysay 1975-tii illaa 1979-kii. Intii u dhaxaysay sannadihii 1980 illaa 1986, Cabdiraxmaan Saylici wuxuu ka soo shaqeeyay  shirkaddii Walaalaha Boorama ee Ganacsiga iyo Dhismaha.

Intii u dhaxaysay 1987-dii illaa 2001-dii, Cabdiraxmaan Saylici wuxuu ka shaqaynayay shirkad dhisme oo uu mulkiile ka ahaa. Shirkaddaas ayaa door weyn ka ciyaartay dib-u-dhiskii dalkan Soomaalilaan. 2001-dii illaa 2003-dii wuxuu ku soo baxay Golihii Deegaanka ee ugu horreeyay ee xisbiga Kulmiye. 2004-tii illaa 2005-tii wuxuu ahaa maareeyihii ugu horreeyay ee shirkaddii SHABA Awdal Utility. Shirkaddaas ayaa ahayd mid wadaag ah isla markaana ahayd tii ugu horraysay ee dalka laga hirgaliyo ayaa maamuli jirtay Biyaha Boorama.

Muddadii u dhaxaysay 2008-2010, Saylici wuxuu ka mid noqday hoggaanka Xisbiga Kulmiye isagoo ahaa Guddoomiyaha afaraad. Wuxuu sidoo kale ahaa murrashaxa madaxeyne-ku-xigeen ee xisbiga Kulmiye. 2010-kii wuxuu noqday madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Soomaalilaan.

 

BIOGRAPHY OF ABDIRAHMAN ABDILLAHI ISMAIL

Abdirahman Abdillahi Ismaa’iil better known as Zeili’e is the vice president of the republic of Somaliland. He was born in Zeila in 1956 where he started his Quranic School. From 1967 to 1975, he attended his primary school at Zeila and Borama. Between 1975 to 1979, he studied Hargeisa Technical Institute.

From 1980 to 1986, Abdirahman Abdillahi Ismail worked at Brothers Company for Business and Construction. Between 1987 to 2001 Abdirahman Ismail ran his own constructing company. His company played a great role in the reconstruction of Somaliland. He was among the first elected councilors running for the Kulmiye party ticket in the municipal elections held 2001 to 2003.

Abdirahman was the first manager of SHABA Awdal Utility, a company of many stakeholders. His company was the first to be established in Somaliland to manage and maintain water in Borama.

From 2008 to 2010, Abdirahman Zeili’I became the leading figures of Kulmiye and was appointed as the aspirant of vice presidency. In 2010, Abdirahman Zeili became the vice president of the Republic of Somaliland.

 

 

 

 

become a member

Get involved in our debates, become a volunteer or join as activist. It’s time to step up and change the future.