Waa kuma Muuse Biixi Cabdi?

Waa kuma Muuse Biixi Cabdi?

Muj. Muuse Biixi Cabdi waa siyaasi reer Soomaalilaan ah. Muuse Biixi wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1948-dii. Wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo sare ku soo qaatay magaalooyinka Hargeysa iyo Camuud. Intaas kaddib wuxuu waxbarasho dibadeed u tagay Midawgii Soofiyeeti ee Ruushku hoggaaminayay isagoo ka qalin jabiyay Akaddamiyaddii Djembe oo uu ku soo bartay hagidda diyaaradaha dagaalka. Sidoo kale, Muj. Muuse Biixi wuxuu waxbarasho u tagay carriga Maraykanka isagoo wax ka bartay Akaddamiyaddii Fort Lee ee Washington. Sannadkii 2010-kii Muuse Biixi wuxuu shahaadada heerka labaad ee xalinta khilaafaadka ka qaatay Jaamacadda Hargeysa.

Sannadkii 1985-tii Muuse Biixi wuxuu iskaga tagay taliskii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre isagoo ku biiray dhaqdhaqaaqii SNM ee dib u xoraynta Soomaalilaan.

Kolkii ay Soomaalilaan dib u heshay xornimadeedii sannadkii 1991-kii, Muuse wuxuu door muuqda ka qaatay shirarkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaalilaan. 1993-kii Muuse wuxuu noqday wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dawladdii Cigaal.

Sannadkii 2010-kii Muuse Biixi Cabdi waxa loo doortay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Sannadkii 2015-tii waxa loo doortay murrashaxa doorashada xisbiga Kulmiye ku meteli doona doorashooyinka 2017-ka. Muuse Biixi waa nin aad u yaqaanna dadka Soomaalilaan iyo guud ahaan deegaannadooda waana nin waayo aragnimo dheeraad ah u leh hannaanka uu u dhisan yahay waddanku. Waxa lagu tiriyaa dadka dhifta ah ee taariikhda Soomaalilaan sida weyn ugu dhuun daloola.

 

BIOGRAPHY OF MUSE BEHI ABDI

Musa Behi Abdi (born in 1948, Hargeisa) is a Somaliland politician and former military officer. Musa Behi went Amoud secondary school. After graduation he pursued his higher education and enrolled Djembe Air Force Academy where he studied aeronautics and became a pilot for Somali Air Force. Later on, Muse went Washington where he joined Fort Lee Academy and earned his second Masters Degree. In 2010, Mr Bihi obtained Masters Degree in Conflict Resolution from the faculty of Peace and Conflict Studies of the University of Hargeisa.

In 1985, he abandoned his post as the Military Attaché of the Embassy of Somalia in Washington and joined the revolutionary Somali National Movement (SNM) that successfully ousted the regime after a long armed struggle.

After the rebirth of Somaliland, Muse Behi Abdi played a big role in the reconciliation processes of Somaliland clans. In 1993, Muse Behi served as the Minister of Interior and National Security for Egal’s government. He is noted for being on the frontline of clan reconciliations and rebuilding Somaliland.

In 2010, Mr Musa Behi was appointed as the chairman of Kulmiye Party. In 2015, he was selected as Kulmiye’s presidential candidate for the forthcoming elections slated to happen in 2017. Aged 68, the veteran politician Muse Behi is a very exuberant and rigorous man; and often conducts pep talks to the people of Somaliland. With his profound knowledge on the people of Somaliland, ample experience and their geographical settings, Mr Muse is the most likely candidate to win for the upcoming presidential elections.

become a member

Get involved in our debates, become a volunteer or join as activist. It’s time to step up and change the future.