Maxaa keenay in Muuse Biixi ku guulaysto arrin kasta oo siyaasi ah oo Kulmiye dhexdiisa yimaad?

Maxaa keenay in Muuse Biixi ku guulaysto arrin kasta oo siyaasi ah oo Kulmiye dhexdiisa yimaad?

Maxaa keenay in Muuse Biixi ku guulaysto arrin kasta oo siyaasi ah oo Kulmiye dhexdiisa yimaad?

By Maxamed Cali Yuusuf

Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Kulmiye, waxa lagu bartay si kastoo ay u dhib badan tahay in uu ugu dambaynta ku guulaysto arrin kasta oo siyaasi ah oo yimaad Kulmiye dhexdiisa. Mujaahidnimadiisii hore ee Muuse waxa la sheegaa in ay ugu darsantay mujaahidnimo Kulmiye dhexdiisa ah kadib markii uu muddo 12 sanno ah si aan nasasho lahayn uga soo gudbay ugu yaraan sideed caqabadood oo waaweyn oo mid kastaba looga baqayey in ay isaga dhulka dhigto.

Khuburada daraasaysa hoggaaminta iyo arrimaha guusha la xidhiidha waxa ay tibaaxaan in qof kasta oo marar badan guulaystay ay jirto sabab macquul ah iyo tayooyin keenay in uu guulahaas ku gaadho. Guushuna sideedaba maaha hadiyad taalla meel dhaw oo la laaci karo laakiinwaa arrin u baahan shaqo adag, adkaysi aan damqasho lahayn iyo tayo hoggaamineed oo sarraysa. Halgamaagii caanka ahaa ee Martin Luther King waxa la guntay xikmad dhaxal-gal ah odhanaysa “Ninka ragga ah ugu dambaynta waxa lagu qiimeeyaa maaha halkii uu istaagay wakhtigii raaxada iyo xasiloonida, laakiin waxa lagu qiimeeyey halkii uu istaagay wakhtigii caqabadaha iyo loollanka.”

Kulmiye waxa la aasaasay dabayaaqadii sannadkii 2002-dii. Laga soo bilaabo wakhtigaas, dadka intiisa badani waxay ogyihiin in uu yahay xisbi dood badan iyo khilaaf badani ka soo dhex jiray kuwaas oo ilaa maantaas ka dhex socda. Waxase Kulmiye u sahashay in uu dhibaatooyinkii soo food-saaray ka soo gudbo in aan lagu kala tegin khilaafaadkaas ee aakhirka marka lagu kala guulaysto ay inta laga guulaystaa raacdo fikirka guulaystay. Waana taas baadisoocda uu kaga duwan yahay axsaabta kale ee qaranka oo ay dhif tahay inta la isku qabsadaa ama lagu dhex murmaa.

Loollannadii gudaha ee xisbiga ka soo dhacay isla markaana khilaafaadka dhaliyey inta badan Muuse dhinac ayuu ka ahaa, dhiniciisa ayaanay libintu raacaysay. Su’aalaha muhiimka ahi waxa weeyi, maxaa u sahlay guulahaas? Mase ku guulaysan doonaa loollanka hadda bilaabmay oo ah kan ugu muhiimsan mustaqbalkiisa, kaas oo ah in uu hantiyo murashaxnimada Kulmiye si uu ugu tartami karo madaxweyninimada qaranka?

Si jawaabaha su’aalaha kor ku xusani ay innoogu fududaadaan, bal aynu milicsano halka uu Muuse istaagay caqabad kasta oo siyaasi ah oo Kulmiye dhexdiisa ku soo waajahday iyo natiijooyinkii uga soo baxay.

  1. Sannadkii 2003-dii wax yar uun kadib aasaaskii Kulmiye, waxa la isku qabtay murashaxa madaxweyne-ku-xigeenka oo ay ku tartamayeen rag ay ka mid ahaayeen, Dr Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, Cabdillaahi Xasan Buuni, Xildhibaan Gaagaale iyo Cabdiraxmaan Aw Cali oo ciyaarta ugu dambayntii ku soo biiray, waxana watay Muuse Biixi. Murashaxnimada madaxweynaha iyada la iskuma haysan oo waxay cidlo u taallay madaxweynaha hadda Axmed-Siilaanyo wakhtigaasna ahaa guddoomiyaha xisbiyga. Loollankan waxa ka dhashay khilaafkii koowaad ee xisbigu wajaho. Dood dheer iyo tartan adag oo cidiyaha la iskula tagay kadib waxa guulaystay saaxiibkii uu watay Muuse Biixi oo ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faaraxa.
  2. Sannadkii 2006-dii waxa xisbiga ka dhex qarxay loollan adag oo xubno xisbiga ka mid ahi ku doonayeen in Siilaanyo laga beddelo murasharaxa madaxweynenimada xisbiga. Ragga arrinkan aaminsanaa isla markaana riixayey way badnaayeen waxana laga xusi karaa xildhibaan Madaxamed Cumar-Xaashi iyo Axmed Xuseen Ciise. Hase ahaatee waxa fikirkan ka hor yimid Muuse Biixi oo aaminsanaa in Siilaanyo la siiyo fursad labaad isla markaana u arkayey in uu yahay murashaxa kaliya ee duruufihii wakhtigaas jiray marka la eego guul u keeni karayey Kulmiye. Ugu dambayntii miisaanku wuxu u ciiray dhinicii Muuse Biixi, Siilaanyo-na wuxu hantay murashaxnimadii xisbiga, taas oo markii dambena keentay in loo doorto madaxweynaha qaranka.
  3. Sannadkii 2007-da waxa loollan adagi ka dhacay jagada guddoomiye-xigeenka xisbiga Kulmiye oo rag badani isu soo sharaxeen, waxa raggaas ugu cuslaa Mujaahid Dhagaweyne oo ay Muuse saaxiib iyo rafiiq dheer ku wada ahaayeen halgankii iyo siyaasadaba. Tartan adag kadib, aakhirkii waxa guddoomiye-xigeenka koowaad loo doortay Muuse Biixi Cabdi.
  4. Sannadkii 2008 waxa uu Muuse Biixi soo jeediyey in haddii Siilaanyo loo doorto murashaxa madaxweynaha uu isaguna dhaxlo hoggaaminta Xisbiga Kulmiye haddii Siilaanyo guulaysto iyo haddii uu guul-darayso labadaba. Aad ayaa loogu kala jabay arrintaas, xisbiga Kulmiye-na wuxu qarka u saarmay dildillaac. Waxa xusuus madan in Muuse Biixi oo ahaa guddoomiye-xigeenka koowaad iyo Kayse Xasan Cige (AHN) oo ahaa xoghayihii xisbigu ay Hargeysa ku hadheen markii shirku furmayey laakiin ergaydii Kulmiye ay isla qaateen in ay shirka hakiyaan ilaa la xalinayey qodobbo Muuse Biixi danaynayey. Ugu dambayntii waxa shirkii la furay kadib markii la garwaaqsaday dalabyadii Muuse si sharci ahna loo ansixiyey in uu hanto hoggaaminta xisbiga doorashada madaxweynaha kadib.
  5. Sannadkii 2010-kii markii madaxweyne Siilaanyo la wareegay talada dalka waxa dhacday in Muuse Biixi uu dalbaday in lagu wareejiyo guddoomiyanimadii Xisbiga sidii ballanku ahaa. Dagaal badan ayaa lagala horyimid oo rag badan oo xisbiga ka mid ah ayaa arrintaas ka dagaallamay gudo iyo dibadba, hase ahaatee dedaal adag oo Muuse ku bixiyey fulinta heshiiskaas kadib, Madaxweyne Siilaanyo guddoomiyenimadii xisbiga wuu ku wareejiyey Muuse Biixi.
  6. Sannadkii 2012-kii waxa la furay tartankii axsaabta badan. In badan oo reer Kulmiye ah oo qaarkood awoodo badani gacanta ugu jireen waxa ay rabeen in xisbiga Kulmiye saaxadda laga saaro. Waxa samaysmay ururro ay dabada ka wadaan rag dawladda ku jiray sida ururkii Nasiye. Ujeeddadu waxa ay ahayd maadaama ururradii la furay aynu samayno xisbi cusub oo Muuse ka maqan yahay Kulmiyena aynu sallaanka ka tuurno. Isku-daygaasi wuxu ahaa halis soo foodsaartay Kulmiye wuuse fashilmay kadib markii Muuse biixi geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu Kulmiye u haysan lahaa dadkiisii iyo kalsoonidiisii.
  7. Sannadkii 2014-kii waxa aad u xoogaystay loollan aad u adkaa oo dhex maray Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale kaas oo ku saabsanaa guddoomiyenimada Xisbiga. Kani wuxu ahaa loollankii ugu adkaa ee soo mara taariikhda Kulmiye. Xubnihii ugu awoodda badnaa xukuumadda ayaa isku xulufaystay sidii ay Muuse sallaanka ugu tuuri lahaayeen una saari lahaayeen Samaale. Lacag iyo awood dawladeed oo heer walba ah ayaa la adeegsaday. Wax kasta oo la isla soo maray aakhirkii natiijadu waxa ay noqotay in guddoomiyenimadii xisbiga Muuse u hadho.
  8. Sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka, waxa in badan lagu murmay in aynu Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye qabano inta aanu sannadkani dhammaan iyo in la qabto sannaka dambe ee 2016 aakhirkiisa. Muuse wuxuu dooddiisa waxa ay ku salaynayd in Xisbigu u baahan yahay in uu ka soo kabto khilaafkii iyo burburkii ka dhacay dagaalladii dhexdiisa isla markaana wakhti u hure sidii loogu guulaysan lahaa doorashada March 2017-ka. Doodda ka soo horjeedda oo ay hormood ka haayeen xubnaha doonaya in ay u tartamaan murashaxnimada xisbigu waxa ay ahayd in xisbiga dib loogu dhigo, laakiin ma ay keenin sababo adag oo madaxweynuhu ku qanci karo. Ugu dambayn, sida la og yahay, waxa la qaatay qorshihi Muuse Biixi ee ahaan in shirku qabsoomo 10-ka November 2015-kii.

Akhrsite, ma u malaynsaa guulahaas guddoomiyeha xisbigu ku soo gaadhay halka uu maanta taagan yahay in ay ahaayeen nasiib iyo wax iska dhacay? Ma u malaynaysaa in Muuse Biixi isaga oo caqabadaas oo dhan kaga soo gudbay hoggaamin iyo adkaysi isla markaana hadda gacanta ku haya hoggaankii xisbiga, xukuumaddana lagu xanto in ay dhiniciisa u janjeedho, uu ka guulaysan kari waayi doono laba murashax oo midina jar ka sii laalaado ka kalena hadda uun soo baraarugay? Jawaabaha adiga ayaan kuu daayey.

Maxamed Cali Yuusuf

Hargeysa, Somaliland

 

KULMIYE on Flickr