Dambarkeeda Maandeeq , Ninkii Maalaybaa Dhami

Dambarkeeda Maandeeq , Ninkii Maalaybaa Dhami

Dambarkeeda Maandeeq , Ninkii Maalaybaa Dhami

-W/Q: Khaddar Ibrahim Mohamud

Bismillah iyo balaayooy baydh.

Qalinka iyo dawaadda beryaanu kala maqnaynoo doorashada erayadayda kalsooni badan kuma qabee, intaa afeef ma ka dhigtaa. Dheerayna maayo oo mawduucu mid dherer iiga baahan maaha ee dhawr arrimood ayuunbaan daawaha saari.

Ustaad Mohamed Hashi Dhamac ‘’ Gaariye ‘’ dhaxal kuu inooga dhintay Miyaan dhaafi karayaa. Saw isaga muu ahayn ninkii lahaa;

Abaalkana waan Gudnaa

Waxaad noo gashee horiyo

Gadaal waxaad maagantahay

Bal noo sheeg waa Golee

Waxay dadku kaa guntaan.   Run badnaayaa jannadii ha ku bariistee.

Guulaha siyaasiga ah iyo Galadaha umaddu kaa tirsanaysaa waa abtirsiinta siyaasadda ee tiir dhexaadka u ah hor u socodka siyaasiga , isla markaana dhaxalsiisa taageerada shacabka iyo in umaddu yididiilo iyo rajjo kula eerato. Dhigaalka tagtada taariikhda iyo dhugashada ta maanta taaganina waxay sawir sax ah ka bixiyaan Kartida iyo qofnimada hebelada Damacu ku jiro.

Hoggaaminta iyo siyaasaddu waa dhalasho iyo dhigasho khibradeed laga dheefo waayaha nolosha , umana sinna caga baruurka saaxadda siyaasadda dhex meehanaabay saddex sanno oo gacan qabasho ah , iyo ruug caddaayada tirsanaya 50 sanno oo Somalidu wajahaysay xaalado siyaasi ah oo midabo badnaa isla markaana la soo dhaqmay maamulo iyo dawlado jabad iyo jaarba leh.

Xisbiga Kulmiye oo hoy u ah baarqabka siyaasiyiinta Somaliland ayaa dhawaan la filayaa inuu qabsado shirkiisii golaha dhexe kaasi oo foolan doona Siyaasiga xisbigan guunka ah u metelaya doorashada madaxtinimo ee laga rajo qabo inay Somaliland ka qabsoonto dhawaan. In kasta oo tartan xalaala iyo dimuqraadiyadu tahay mabaadida xisbiga haddana kala dambaynta iyo is daba socodka ku dhisan khibraddu waa mid lagu yaqaanay xubnaha calanka u sida shacbka xilligii ay halganka ugu jireen inay heeryadii keli taliska umadda ka dhiciyaan iyo weliba xilligan talada xisbiga Kulmiye , waxaanay dadka siyaasadda falanqeeyaa tilmaamaan in dhaqankaas siyaasiga ahi xisbigan u horseeday guulaha tirade badan ee uu tirsanayo.

Marka laga yimaaddo aasaasaha iyo odayga xisbiga, in kasta oo ay jiraan xubno tiro badan oo lagu tiryo tiirarka xisbigu ku taagnaa oo badhkood hadda inaga hooseeyaan haddana waxa si gaar ah loo xusaa Guddoomiyaha Xisbiga ee hadda Mudane Muuse Biixi Cabdi oo inta badan loo nisbeeyo guulo hor leh oo xisbigu gaadhay xiligii mucaaradka iyo fara ku haynta dhismaha xisbiga xilli xukuumadu ku mashquushay talada dalkan iyo dadkan baahiyaha badan.

Muj. Muuse Biixi wuxuu siyaasadda somalida madaxa la soo galay xilli ku siman 1965 wax yar uun ka dib waqtigii gumaystuhu iskaga guuray geyiga Somalida. Wuxuu talo iyo tacab badan ku lahaa aasaaskii ururadii dhalinyarada iyo abaabulkii dhagaxtuurkii ardayda. Waxa dadka ka agdhawaa ilaa xiligaas ku tilmaamaan Muuse shakhsiyad keeno-diid ah oo aan dulmiga aqbalin. Ka dib aqoon maamul iyo mid ciidan oo siyaasigan ka soo kasbaday waddamada dunida ugu tunka waaweyn ee maraykanka iyo Ruushka wuxuu Muuse ka mid noqday Hoggaamiyayashi dabka u shiday ururkii xaq u dirirka ahaa ee dagaalada hubaysan kala hor tegay daaquudkii keliteliska, sebeno iyo sannado badan oo dhaxanta iyo dhamacda cadceedu dhabarkiisa ku dhacayeen markii guushii rabbi ku galladay isaga iyo rafiiqiisii halgankaba , Muuse halkaas kagama hadhin ee wuxuu u holladay inuu mar kale tacab galiyo umaddiisa isla markaana ka hawl galo sidii maamul tiirar adag ku taaagan umadda loogu yagleeli lahaa.

Waxa xusid mudan in Muuse Biixi ahaa shirguddoonkii shirweynihii lixaad ee SNM ee belli gubadle , halkaas oo lagu dhisay dawladdii ugu horraysay ee Qarankan yeesho , ka dib laba sanno oo jahawareer u badnaa oo Jabhaddu talada dalka gacanta ku haysayna waxa sidii heshiisku ahaa hoggaamintii dalka lagu wareejiyay xukuumad rayid ah. Mar kale Muuse waxa uu ka mid noqday dawladdaas waxaanu muddo dheer la shaqeeyey ruug caddaayadii siyaasiyinta Somaliland ee uu ka midka ahaa madaxweynih labad ee Somaliland Marxuum Cigaal. wallow uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah haddana waxa uu guulo hor leh ka soo hooyay taaba gelinta nidaamka dawladnimo , aasaaskii ciidamada booliska , baabiibtii isbaarooyinka maleeshiyooyinka , qaramayntii ciidamada iyo weliba sugidda xuduudaha waddanka , waxaana Siyaasigan ku suntan yahay inuu ahaa wasiirkii ugu horeeyey ee Somaliland ah ee cagaha dhiga magaalada Laascaanood iyo Gobolka Sool guud ahaan.

Kadib furitaankii xisbiyada ee horraantii qarnigan 21aad, mar kale muuse wuxuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxadda siyaasadda Somaliland, waxaanu ka mid noqday shakhsiyaadkii hormuudka u noqday xisbigii KULMIYE ee ay iskugu yimaadeen baarqabka siyaasaddu. Waxaan muran ku jirin in Tacabka iyo Tamartii uu Xisbiga geliyay guddoomiyuhu ay door weyn ku lahayd Awoodii sii biiraysay maalin walba ee xisbiga waagii mucaaradada, waxaana marag madoon ah in duruufo adag oo xisbigu soo maray ay si gaara ugu wada dhaceen jaalayaasha siyaasadda rafiiqa ku soo ahaa muddada dheer ee Madaxweynaha qaranka Ahmed Silanyo iyo Guddomiyaha Xisbiga Muuse Biixi, taasi oo markii dambena dihatay guushii xisbiga ee 2010 uu ku hantiyay hoggaaminta qaranka.

Ka dib guushii xisbiga ee talada dalka, Muuse Biixi wuxuu hormuud u noqday Guddi soo dhista xukuumadii ugu horraysay ee Kulmiye waxaanu hoggaaminayay xubno ay ugu cadcadaayeen Drs Edna Adam, Dr Bulhan iyo Weliba Dr Gaboose, ugu dambayna guddidaas waxay 10 july 2010 ku dhawaaqeen qaab dhismeed aad looga soo shaqeeyey oo ay talo ahaan ugu gudbiyeen madaxweyne siilaanyo, si uu u tixraaco.

Mar kale muuse wuxuu ku sii adkaystay inaan Xisbigii meel cidlo ah lagaga guurin waxaanu ku calool adaygay inuu u hadho xisbiga isla markaana wax xil ah ka qabanin xukuumaddaas uu guulaheeda in badan tirsanayo, isagoo go’aansaday inuu mar kale tacab iyo tamar isugu geeyo sidii xisbigu u xoogaysan lahaa xukuumadana garab iyo gaashaanba ugu noqon lahaa. Doorashooyin gole deegaan iyo dagaalo adag oo kaga imanaayay mucaaradka muddadaasna khibrada iyo hoggaaminta Guddoomiyuhu waxayd dhaxalsiisay inuu si fudud uga talaabsado xisbigu isla markaana ilaashado kalsoonidii bulshadu ku qabtay xisbiga. Waxa iyaduna xusid mudan tanaasulaadkiisii tirade badnaa ee xalka u noqday xisbiga iyo xukuumadaba iyo dulqaadkii, dhabar adaygii iyo bisaylkii siyaasadeed ee guddoomiyuhu muujiyay xilli duulaan wasiiro dano gaar ah lihi ku soo qaadeen xisbiga iyo hoggaankiisa, taas oo mar kale hummaag iyo sawir u noqotay in Muuse hanan karo hoggaaminta dalka.

Guddoomiye Muuse Biixi waa siyaasiga ugu hadal haynta badan ee laga rajo qabo in xisbigu shacbiga hor keeno , iyagoo ku xisaabtamaya khibraddiisa maamul ee soo taxnayd ilaa 1965 iyo guulahaa maalinlaha ahaaa ee uu qaranka iyo xisbigaba sida is daba joogga ah ugu soo hoynaayay, Waxaanay tani meesha ka saaraysaa damaca shakhsiyaad dibad wareeg ahaa xiliyadii halganka ee keeno-diidku duurka ugu jiray gobanimada shacabka , isla markaana damaca iyo dareen dhadhamo raac ah duulimaad ugu yimid dal xor ah iyo dad mid ah.

Haddii Abwaankii umaddii ku hungowday midawgii 1960kii ku cataabay

Dambarkeeda maandeeq

nimaan maalinbaa dhamay

Iyagoo shacbiga iyo Golaha dhexe ee xisbiguba ku xisaabtamaya wixii waayuhu baray waxa la saadaalinayaa in halku dhigaasi hore isku bedeli doono.

 

Dambarkeeda Maandeeq

ninkii maalaybaa dhami.

GUUL IYO GOBANIMO

Khaddar Ibrahim Mohamud

[email protected]

00252-63-4426886

KULMIYE on Flickr